Dagaalyahan Soomaaliyeed Oo Caan Ka ahaa Ururka Daacish Dhexdooda Oo Lagu Dilay Dagaal
Mousil:Dec,03,2014(SDN/QJ)-Dagaallada ka dhanka ah Ururka Daacish, ayaa waxa lagu dilay Wiil Soomaaliyeed oo Arrimaha Jihaadka caan ku ahaa, kaas oo kooxda ka Barbar dagaallamayey.
Wiilka Soomaaliga ah ee Dagaalladaas lagu dilay, ayaa lagu magacaabi jirey Abu Musa Al-Somali, kaas oo haystay Dhalashada waddanka Britain oo uu hore uga Baxsaday.
Dagaal ba´an oo Kurdiyiinta ay la galeen ayuu ku geeriyooday Wiilkan Soomaaliga ah oo ka haajiray magaalada Londan isaga iyo koox kale oo saaxiibo dhow ahaayeen.
Wiilkaani ayaa waxay saaxiib ahaayeen Abu Abdullah al-Habashi oo asal ahaan kasoo jeeda Eriteria balse haysta dhalashada UK oo todobaadkii hore lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Kobane ee dalka Syrian.
Abu Muse Al-Somali ayaan noqoneyn qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagu dilo dagaalada ka socda Ciraaq iyo Siiriya, waxaana jira dhowr dhalinyaro gabdho iyo wiilal ah oo qurbaha ugu soo hayaamay inay ka barbar dagaalamaan kooxaha IS.
SDN/QJ