Dagaalo Xoogan Oo U Dhaxeeya Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Dawladda Somaliya Oo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sh/Hoose
Marka:07,June,2014(SDN/QJ)- Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta Deegaanka Ceel Wareegow ee hoostaga Marka uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan.
Dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Ceel-Wareegow ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ahaa mid aad u culus oo scday saacado badan kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo beeleed horey ugu dagaaamay deegaano katirsan Gobolkaasi.
Lama oga ilaa hada Khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee maanta ka dhacay Deegaanka Ceel-Wareegow ee hoostaga Magaalada Marka , waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi ay wali ka jirto xiisad dagaal.
Dowlda Soomaaliya ayaan ka hadlin dagaalka maanta mar kale ka dhacay Gobolka Sh/Hoose iyo xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Maleeshiyo beeleed u abaabulan qaab beeleed kuwaa oo isku haysta gacan ku heynta deegaano katirsan Sh/Hoose.
SDN/QJ-Marka