Dagaalo ka dhacay Badhaadhe iyo xaalada oo kacsan
Badhaadhe Oct 23,20129SDN)-Waxa shalay ilaa maanta ay dagaalo ku dhex mareen degaano ka tirsan gobolka Jubada hoose ciidamada Amisom oo ay weheliyaan ku wa dawlada iyo kooxda Al Shabaab.
Dagaaladan oo ka dhacay degmooyinka Badhaadhe iyo kulbiyoow ayaa waxa uu sababy argagax ku dhacay dadka degaanka.
Ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada ayaa sheegay in ay daba socdaan meliishaadka Shababaka oo gobolka qeybo ka mida ku sugan.
Ciidamada labada dhan ayaa isaga hor yimi dagaalo jilbaha la isu aastay,halka mararka qaarna madaafiic la is weydaarsaday.
Ma cada khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay hadii ay noqoto dhinacyadii dagaalamay iyo hadii ay noqoto shicibka lagu dul dagaalamay.
Xaalada ayaa saaka kacsaneyd waxaana degaanada qaar lagu arkayay dabaabaadka Amisom oo jiidahala isku hor fadhiyo ku wejahan.
Labada dhanayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin xaaladahan u danbeeyay ee gobolka.
SDN-Badhaadhe
contact@somalidiasporanews.com