Dagaalka wajiyada badan leh ee ka holcayo dalka Yaman xageebuu ku biyo shuban doonaa? Yaase ku lug leh..?
Dalka Yaman ayaa ku soo biiray dowladaha carbta ee dagaalada sokeeyo ka holcayaan, waxaana ka biloowday dagaal wajiyo badan leh, si aan u ogaano mushkilada Yaman waxaan ku Lafo-guridoonaa maqaalkeygaan dhinacyada ku lug leh dagaalkaan, sida Xuuthiyiinta , Milatarigii Yaman iyo Cali Cabdalla Saalax sidoo kale doorka uu ku leeyahay madaxweynaha xilka hada hayo Cabdi Rabi Mansuur iyo Taxaalufka uu hogaaminayo Sacuudi carabiya, anigoo sii raacin doono gunaanadka maqaalkeega mustaqbalka Yaman iyo sida uu u muuqdo.
Maxey yihiin Xuuthiyiintu..?
Markii ugu horeysay ee la aasaasay ururuka xiithiyiinta waxey aheed 1992 waxaana loo yaqaanay dhalinyadii Mu`miniita, kadib waxey la baxeen Ansaarullaah waqtigaas ka hor ma aheen urur layaqaano.
Waxuu ahaa ninkii oogu horeeyay ee aasaasay ururkaan Xuseen Badrudiin Al-xuuthi.
Shicaarka ururukana waxuu ahaa laga soo bilaabo 2002 ilaa hadana yahay Allaahu akbar Ameerika ha dhimato, Israel ha dhimato , Yahuudna nacalad haku dhacdo..!!.
Intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2010 ururuka xuuthiyiinta waxeey dowlada Yaman la galeen ilaa 6 dagaal , waxaana ku dhintay dagaalkii koobaad ee 2004 aasaasihii ururka Xuseen Badrudiin Alxuuthi.
Kadib waxaa la wareegay xilkii ururka aabihii , ugu danbeeyntii wuxuu xilkii kusoo wareegay Xussen walaalkii oo lagu magacaabo cabdimalik alxuuthi.
Dagaalkii ugu danbeeyay dagaaladii eey la galeen dowlada Yaman 2009 kii waxaa xaga cirka kaga qeyb galay dowlada Sacuudi carabiya kadib markey dareentay khatarta Xuuthiyiinta ee ku wajahan dalkeeda iyo ayagoo kusoo dhawaaday xuduudeeda.
Xuuthiyiinta waxey xiriir adeg la yeesheen dowlada Iiraan taasoo keentay ineey dhalin badan oo reer yaman ah u diraan dalka Iiraan si eey wax ooga bartaan madhabka shiicada, halka dowladaha Khaliijka, Yaman iyo Mareekanba ku eedeeyeen in Iiraan hub iyo dhaqaalaba siiso ururkaan, laakiin markastaba iiraan wey ku gacan seeri jirtay eedeymahaas ayadoo beenineysa sheegashadaas, laakiin baaris iyo sirdoon la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Iiraan dhaqaalo badan iyo tababaraba siiso ururukaan.
Mowqifka milatariga Yaman ee ku aadan waxa yaabaha dhacaya.
Sida la xaqiijiyay ururuka Xuuthiyiinta waxey u adeegsadeen qabsahadii Sanca ciidamo gaarayo 20 kun oo maleeshiyaad ah , halka ciidamada yaman lagu qiyaasay in eey gaarayaan Nus malyuun askari..!!
Hadaba waxaa la siweydiinayaa sideey ku dhici kartaa in ciidamo tiradoodu intaas gaareyso kuna hubeeysan qalabka milatariga noocyadiisa kala duwan sida diyaaradaha ,taangiyada iyo qalab kaloo tira badan , tababar aad u sareeyana qaba in eey isku dhiibaan maleeshiyo aad ooga tiro iyo u taagba yar.
Si arintaas loo ogaado waa in dib loogu laabto aasaaska ciidamada yaman daraasaad la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ciidamada Yaman iyo saraakiishooda 70% eey kasoo jeedaan gobolada waqooyi ee eey ku badan yihiin Zeydiyiinta siiba magaalada SANXAAN ee ku taallo koofurta caasimada Yaman ee Sanca waana halka uu ka soo jeedo Cali Cabdalla Saalax madaxweynihii hore ee Yaman.
Gobolka Xadaramuut oo ka mid ah gobolada Yaman oogu waa weeyn tirada ciidanka ooga jirta waxaa las heegaa ineey aad u yaryihiin sidoo kale waxaa la mid ah gobolada koonfureed ooba la dhihi karo kaalintoodii xaga ciidamada lama siin.
Dagaaladii 6da ahaa ee dhexmaray ciidamada Yaman iyo Xuuthiyiinta waxaa xaga milatariga Yaman hogaanka u hayay generalka sunniga ah ee Cali Muxsin Al-axmar waxuuna heystay guutooyin badan oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Yaman, waxuuna loolan adeg kala dhaxeeyay Cali cabdalla saalax oo mar walba ku dadaali jiray in saraakiisha ka baxsan qabaailkiisa eeyna wax awood ah ku yeelan milatariga yaman.
General Muxsin waxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga isbaheysiga Yaman ee (Al-islaax) waana xisbi ku abtirsado ururka Al- akhwaan Al-muslimiin , wuxuuna ahaa ganaraalku iyo xisbigiisuba mucaaradka oogu adeg ee ka soo horjeeda Cali cabdalla salax , waxaana aad u taageersanaa qabiilkiisa Aala axmar, taasi oo keentay in eey is baheystaan Cali Cabdala Saalax iyo Xuuthiyiinta cabsi eey ka qabaan ganaraalka iyo xisbigiisa.
Labadaan qolo ee Cali Cabdala Saalax iyo Xuthiyiinta ee is baheeystay waxeey mar ahaan jireen kuwo cadow isku ah dagaala culusna uu dhax maray laakiin manta danta iyo masaalixda ayaa isku keentay, halka Sacuudi carabiya ayadana ka qeyb qaadatay in la wiiqo awoodii akhwaanka iyo ganaraalka ee eey Yaman ku lahaayeen, waxeyna noqotay jaanis uu Cali cabdalla saalax ugu soo laaban karro siyaasada marlabaad.
Milatariga Yaman sida la sheegay waxey ka amar qaataan Cali cabdalla Saalax iyo wiilashiisa taasoo keentay in si fudud eey ku soo gaaraan Xuthiyiinta caasimada Yaman ayagoo wax dagaal ah gallin.
Milatariga Yaman waxuu wadada u baneeyeen xuuthiyiintii ku soo wajahnaa caasimada ayagoo si fudud ugu wareejiyay goboladii ay soo mareen sida Sacda, Cumraan, Joof, Xudeeda, Ib iyo Beydaa, ilaa laga soo gaaro caasimada Sanca.
Milatariga Yaman meysan muujinin in ay badbaadiyaan caasimada Sanca balse waxey suubiyeen in ay ku wareejiyaan hubkoodii ururka xuuthiyiinta saas in ay dhacdana waxaa ka danbeeyay Cali cabdalla saalax oo ooga dan lahaa in uu ka takhaluso mucaaradkiisa rer Aala Axmar ee sii xoogeysanayay.
SIYAASAD XUMADA MADAXWEYNAHA YAMAN CABDI RABI MANSUUR
Madaxweynaha hada talada haya Cabdi rabi mansuur waxuu ahaa nin mudo dheer la soo shaqeynayay Cali Cabdalla Saalax waxaana lagu sheegaa in uu yahay nin aad u jilicsan go’aan qaadashadana aan ku fiicneyn taasi oo ay u dheertahay xanuuno khatar ah uu qabo.
Markii uu xilka la wareegay waxuu ku dhaqaaqay in uu dib ugu soo celiyo jagooyinkoodii ragii Cali cabdalla saalax waxaana ka mid ahaa generalkii heystay ciidamada qybta 6aad ee sanca iyo gobolada ku xeeran , kaasi oo markii danbe u fududeeyay xuuthiyiinta in ay qabsadaan Sanca ka dib markii uu ku amray ciidamada in ay faarujiyaan goobahooda.
Cabdi rabi mansuur jileeciisa waxey keentay in lala wareego yaman asagana uu ka huleelo habeen madoow si dhuumashaal ah una u cararo dhanka Cadan halkaas ooy markii danbana ooga daba tageen xuuthiyinta
Waxaas oo dhana waxaa lagu eedeynayaa in ay sabab u tahay siyaasad xumadiisa iyo sida dabacsan ee uu ula dhaqmay xuuthiyiinta ku soo siqayay caasimada ilaa ay ka soo gaaraan gurigii uu ka degnaa Sanca halkaasina xabsi guri uu ku galay.
Kadib markii la arkay siyaasad xumidiisa iyo dacfigiisa waxaa loo baahday in la helo madaxweyne ku xigeen awood leh si uu xilka uga la wareego mustaqbalka dhaw, waxaana loo magacaabay jagadaas Khaalid Baxaax oo horey u sii hayay jagada raisul wasaaranimada waxaana lagu dhaariyay magaalada Riyaad 13 bishaan april een ku jirno.
QABSASHADII XUUTHYIINTA EE SANCA IYO ISBADALKII AY GASHAY YAMAN
Ururuka xuuthiyiinta oo taageero ka helayo ciidamada qalabka sida ee yaman ayaa la wareegeen magaalada Sanca 21 september 2014 taasoo u suurta galisay in ay qabsadaan goboladii waqooyi ee yaman ka dib waxey bilaabeen in ay ku soo siqaan goboladii koofureed .
Madaxweyne cabdi rabi markii uu arkay in tallada yaman gacantiisa kasii baxayso xabsi gurina la galiyay hishiisyadii uu la galay xuuthiyiintana eey ooga baxeen , xarumihii dowaladana dhamaan eey la wareegeen waxuu barlaamaanka u gudbistay warqadiisii is casilaada 22 janewary 2015 asagoo sheegay in uu awoodi waayay waajibaadkii loo xilsaaray in uu guto.
Ururka Xuuthiyiinta waxey iclaamiyeen 6dii february 2015 in ay wadanka la wareegeen waxeeyna soo saareen qodobo eey dastuur oogu yeereen in la raacana waajib eey ka dhigeen, waxeyna kala direen baarlamaankii wadanka waxeyna magacaabeen gole ay ugu magac dareen GOLAHA WADANIGA kana kooban 551 xubnood iskana dhex dooran doona 5 xubnood oo dalka hogaamiso .
Iclaamkaan waxaa ku dhawaaqay gole loogu magac daray GOLAHA KACAANKA madaxna u yahay Maxamed cali Alxuuthi.
Dastuurkaan eey iclaamiyeen waxuu wadanka galiyay xaalad cusub taasi oo ka dhigan afganbi eey ku sameeyeen sharciyadii madaxweynaha iyo baarlamaankaba , waxaana kasoo horjeestay beesha caalamka gaar ahaan dowladaha khaliijka iyo wadamada carabtaba , waxeyna bilaabeen in ay ku goodiyaan faragalin ciidan hadaanan laga laabanin afganbigaan xuuthiyiinta iyo ciidanka Ccali Cabdalla hogaaminayaan.
Xuuthiyiinta waxey sii wadeen isbalaarintoodii gobolada yaman siibaa kuwa koofurta ku yaallo ka dib markeey ka soo farxasheen kuwii waqooyi.
Madexweyne cabdi rabi mansuurna waxaa u suurta gashay in uu ka soo fakado gacanta xuuthiyiinta si dhuumashaal ahna wuxuu ku soo gaaray magaala madaxda labaad ee Cadan.
DAGAALKA ISBAHEYSIGA SACUUDIGU HOGAAMINAYO EEY KU QAADEEN YAMAN
Kadib markuu ka soo fakaday madaxweyne Cabdi rabi Mansuur maleeshiyaadka xuuthiga waxaa u suurta gashay in uu yimaado CADAN kuna dhawaaqo in uu ka laabtay iscasilaadiisii waxuuna sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Yaman wixii dhacanya af ganbi ahaa.
Ka laabashada Cabdi rabi Mansuur go’aankiisii is casilaada waxaa gadaal ka riixayay dowladaha khaliijka gaar ahaan Sacuudig waxeyna u sheegeen in ay difaaci doonaan sharciyadiisa, waxeyna u soo rareen safaaradahoodii SANCA ku yaalay dhamaantoodba dhanka CADAN, laakiin waxaa dhacday in uu dagaalka ka dhax bilaaday gudaha magaalada Cadan kadib markii ciidamo daacad u ah Cali Cabdalla Saalax gadoodeen sheegeena in ay taageersanyihiin golaha cudub ee kacaanka ee dalka hogaaminaya.
Dowladaha khaliijka markeey arkeen khatarta ay ku jirto magaalada Cadan oo hadaan awood ciidan la helin gacanta xuuthiyiinta galeysa waxey ku go’aansadeen shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen in ay ku dhawaaqaan ISBAHEYSI caalami ah oo dagaal ku qaado kooxda xuuthiyiinta.
Habeenkii khamiista 26 maaris 2015 waxey bilaabeen dowladaha khaliijka weerarkoodii cirka oo ay ugu magac dareen CAASIFATU XAZMI waxaana ka qeyb galay duqeyntaan oo socotay 27 bari dowlado gaaraya 10 dal , intii ay socotay duqeyntaan waxaa u suura gashay dowladahaan isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo in ay wiiqaan awoodii ciidamada Yaman ee Cali Cabdalla Saalax taageersanaa iyo kuwa xuuthiyiintaba lana hakiyay xowligii ay ku socdeen, waxaana la baabi’iyay ciidamadii cirka ee yaman iyo diyaaradahoodiiba oo khatar ku hayay magaalada Cadan , sidoo kale waxaa la burburiyay gantaalada ridada dhaadheer ee ciidamada Yaman heyteen gacanta xuuthiyiintana galay, khatarna ku hayay dowladaha dariska la ah yaman siiba Sacuudi carabiya.
Laakiin uma suurta galin in ay ka takhalusaan ciidamada Yaman ee Cali Cabdalla taageersanaa iyo ururka Xuuthiyiintaba wali waxey awood u leeyihiin in ay qabsadaan magaalooyin cusub oo ay Cadan ku jirto, dagaalkana waa balaartay, waxaana adeg in eey qolo guul sheegato xiligaan maadaama uu wali bilaawyahay.
Sacuudi carabiya iyo xulafadiisa waxaa u soo baxay waxeynan filaneen oo ah in awood ciidan kaliya lagu maquunin karin ururka xuuthiyiinta oo ay arintaasi adegtahay hadii uu sii socda dagaalkana wajiyo badan yeelan doono iskuna badali doona dagaal gobolka oo dhan dabkiisa gaarsiiya quwada waaweyna ku lugyeeshaan.
Sidaas daraadeed waxey ku dhawaaqeen in ay wax ka badalayaan istiraatiijiyadoodii hore oo dagaal bas ku saleysneed fursadna siin doonaan dhanka diblomasiyada iyo wada hadalka ayagoon ka tageenin difaaca sharciyada iyo wada jirka dhuleed ee Yaman ,waxeyna ku dhawaaqeen olole cusub oo ay ugu magac dareen RAJO SOO CELIN, taasi oo ah in la isku wado dagaalka iyo wadahadalkaba.
Ugu danbeentii waxaa muuqata in Yaman god mugdi ah ku dhacday , dagaalo wajiyo badan lehna gashay mid sokeeye , mid gobol , diineed iyo madhaba ku jirtba, waana bilaaw waxaana hubaal ah hadii uu sii socda in uu gaari doono dabkiisa wadamo badan oo ay ku jirto Sacuudi carabiya, halka somaliya ay ku soo jabi doonaan qaxooti badan oo rer yaman ah dagaaladana ka cararayo.
Falanqeeye arimaha bariga dhaxe
By : Axmed Muxumed Cabdullahi ( bukhaari )
E-mail : axmad2@hotmail.com
Qaahira Masar