|

Dagaalka ganacsi ee ku hoos qarsoon khilaafka Somaliland ka taagan

Hargeysa. 2 September, 2022 (QJ)- Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan waxa ku hoos qarsoon dagaal ganacsi oo u dhexeeya shirkadaha waawayn ee Somaliland iyo ashkhaas aan soo muuqan oo xaga hoose ka hurinaya xiisadda, waana arin caqabad wayn ku ah xal kasta.

Shirkadda Dahabshiil ayay ka cabsi qabaan ganacsatada beesha madaxweyne Muuse Biixi iyo sidoo kale ganacsato beesha Garxajis kasoo jeeda oo iyagana muddooyinkii danbe la arkay diidamada ay ka qabaan gudoomiyaha Waddani oo ah shakhsi ay aad iskugu dhawyihiin Dahabshiil isla markaana ay qoys kasoo wada jeedaan.

Xidhiidhka Xirsi Cali X. Xasan iyo Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil ayaa ah mid welwel joogto ah ku haya ganacsato badan iyada oo Hore loo ogaa in mudadii uu Xirsi maamulka joogay uu Dahabshiil galay waaxo badan oo ganacsi sida shidaalka, laydhka, iyo dhismaha isaga oo imika gacanta ku haya shidaalka Somaliland iyo badi laydhka ama korontada caasimadda.

Shabakadda Qurbejoog waxay ogaatay in ganacsatadu ay ka cabsi qabto  in hadii mar kale Xirsi hoggaanka dalka qayb ka noqdo ay shirkadda Dahabshiil is-fidin kale samayn doonto, taas oo Muuse Biixi ku kaliftay in uu qaato go’aan Somaliland burburin kara oo ah doorashada ururada oo lagu rido xisbiyada Waddani iyo UCID.

Marka laga tago ganacsatada beesha Muuse Biixi, waxa jira walaac kale oo Telesom ay ka qabto Dahabshiil hadii Xirsi yimaado talada.

Dagaalkan ganacsi ee hoose ayaa la aaminsan yahay in uu hurin karo khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan.

Comments are closed