|

Dagaalka Burcad badeeda iyo Calooshooda u shaqeysteyaasha oo caqabado hor leh la yimi(DARAASAD)

Sydney Sept 13,2012(SDN)-Dagaalka beesha caalamku kula jirto Burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysata baaha ku teedsan geeska Africa ayaa galay marxalad hor leh ka dib kolkii ay shirkadaha maraakiibta ganacsigu hawlgaliyeen calooshooda u shaqeysteyaal gelbiya maraakiibtooda.

Sidaana waxa lagu shaaciyay Draasad ay dhawaan sameysay Machad reer Austrarilia ah oo la yidhaahdo Lowy Institude oo derista hanaanka siyaasadeed ee caalemiga ah.

Daraasada ayaa tooshka ku ifisay ganacsiga baahay ee ilaalada maraakiibta ganacsi ee mara badweynta Hindiya iyo marxaladaha ku gedaaman ee fejaca leh.

Daraasadu waxa ay iftiimisay faaruqa sharciyeed iyo ka amaan ee ka dhashay ilaalada hubeysan ee gaadhka ka haya maraakiibta looga baqo qabo in burcadu haleesho.

Tusaale waxa ay daraasadu u soo qaadatay in askar ka tirsan ciidanka dalka Italy ee ka hawlgala Badweynta Hindiya in ay dhawaan toogasho ku dileen laba nin oo kaluumeysato ah oo u dhashay dalka Hindiya,ka dib kolkii ay moodeen in burcad weeraratay doontii ay la socdeen.

“In ka badan kala badh maraakiibta ganacsi ee mushaaxeysa badweynta Hindiya waxa gaadh ka haya ciidamo iskood u shaqeysta,doorna waa uu u ga banaanayahay ladagaalanka burcada,waxaase tani ay keentay faaruq sharciyeed”ayaa lagu yiri daraasada.

Laba ka mida askartii Talyaaniga ee hawlgalkaa ka qeyb qaadatay ayaa haatan ku xiran xabsi ku yaal dalka Hindiya iyaga oo lagu soo eedeeyay in ay dil badheedha geysteen.

“In ciidamo qaran iyo qaar calooshooda u shaqeysta oo hubeysani ay fagaare wada joogaan waxa ay keeneysa halis isku dhac caalemi oo aaney maareyn kareyn labada dhanba”ayaa lagu yiri daraasada.

Warbixintan ayaa ah tii u horeysay ee nooceeda ah ee laga soo ururiyo marxaladaha ka dhashay ilaalada gaarka ah ee lagu hubeeyay maraakiibta ganacsi ee isga goosha badaha geeska Afirca.

SDN-Sydney
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed