Dagaaladii Shabeelada Hoose Oo Sii Xoogaystay iyo Gacan-ku-haynta Magaalada Marka Oo Lagu Kala Adkaaday
Marka:June,09,2014(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga Helayo Deegaanka Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inay Cidamo Hubaysani la wareegeen gacan-ku-haynta Magaalada Marka.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay degmada Marka ay ka tirsan yihiin ciidamada guutada Shanaad iyo lixaad ee dowlada Soomaaliya.
Habeenimadii xalay dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow iyo Buufow halkaasi oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaa magaalada xoog looga saaray maleeshiyadii muddo haysatay ee xidhiidhka la lahayd Al-Shabaab, oo dad badan magaalada ku dilay maalmihii ugu dambeeyey.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo cusub saaka lagu arkayo magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gabi ahaanba degmada laga saaray ciidamada maamulkii halkaasi ka ariminayay.
Xaalada degmada Marka ayaa ah saaka mid cakiran waxaana adag in la qiimeeyo sida xaladu ay tahay.
Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose
SDN/QJ-