Dagaaladii ciidamada Itoobiya iyo Jebhada ONLF oo dib u biloowday
Dhagaxbuur Oct 23,2012(SDN)-Warar naga soo gaaraya degaanka Dhagaxbuur ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi maalmihi u danbeeyay ay ka dhacayeen dagaalo u dhexeeyay Jabhada ONLF iyo ciidamada Itoobiya.
Dagaladan oo aan ilaa iminka la tira koobin khasaaraha ka dhashay ayaa ahaa qaar degaankaa ku soo noqnoqday ka dib kolkii labada dhan ay rogaal celis sameeyeen.
Ciidamada Itoobiya ayaa sida caadada ah dagaalka dabadii bandoow saaran degmada Dhagaxbuur.
Sidoo kale ciidamada ayaa kexeystay dad tiro badan baaritaan aqal aqal ay u galeen ka dib,sida ay ilo wareedyo ku sugan magaaladaasi noo xaqiijiyeen.
Dagaaladan ayaa dib u soo noqday ka dib bur bur ku yimi wadahadalo u socday dawlada Itoobiya iyo jebhada ONLF.
Ma jirto cid madax banaan oo si dhab ah uga soo warami karta xaaladaha dhabta ah ee ka jira degaanadaasi,bacdaa ay ciidamada Itoobiya xanibaan isu socodka.
SDN-Dhagaxbuur
contact@somalidiasporanews.com