|

Dagaal xalay Saqdii dhexe ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Muqdisho:26-Aug-2013- (SDN)- Dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay  Deegaanka Lafoole ee  Gobolka Sh/hoose, ayaa keenay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dhinacyadii dagaalamay.

dagaalkaMid kamid ah Ragii weerarka soo qaaday, ayaa Geeriiyoday Saddex kalana dhaawac, ayaa soo gaadhay kuwaas oo dhamaan tood ah ragii sooweerer tagay sida uu sheegay Taliyaha guutada Saddexaad ee ciidamada dowlada Soomaaliya Cornel: Geeseey Cali Indhoole, ka dib markii la weeraray ciidanka Dowladda oo halkaas degenaa.

Dagaalka, ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Lafoole .

Askari ka tiran ciidamada dowlada Soomaaliya, ayuu heegay taliyuhu inuu kaga dhaawacmay dagaalka ,isagoo iska fogeeyay in khasare intaasi ka badan uu dhankooda uu soo gaadhay.

Deegaanka Giiriyaan oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, ayuu sheegay Taliyuhu inay kasoo duullaan tageen isagoo tilmaamay in laga war helay ka hor inta aaney Lafoole soo gaadhin, taasina ay ku timid wada shaqeynta ciidanka iyo shacabka gobolka sida uu sheegay.

Cornel: Geeseey, wuxuu sheegay inay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan halka ciidamaa shabaabku ay kasoo weerar tagaan ,isagoo sheegay inay yihiin ciidan qaab Jabhadeed ah balse ay mar waliba ka hor tagayaan .

Alshabaab ayaa muddooyinkan sii laba jibaaray weerarada ay ku hayaan goobaha ay maamulaan ciidamaa dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  gaar ahaan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubda Hoose.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed