|

Dagaal qasaaro geystay oo u dhexeeyay Shabaab iyo dowladda oo ka dhacay gobolka Gedo

Garbahaarey May 15 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidamad dowladda uu ka dhacay deegaano hoostaga gobolkaasi.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilawday kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay jidka u galeen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka soo ambabaxay degmada Baladxaawo kuna sii jeeday Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Buursagaar waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in dagaalku uu ahaa mid xoogan oo qasaaro xoogleh geystay.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalka ayaa hadana warar madax banaan oo la helayo ay xaqiijinayaan in ku dhawaad 10-ruux oo labada dhinac ah ay halkaasi ku geeriyoodeen.Saraakiisha ciidamad Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Gedo iyo kuwa Al-Shabaab ilaa iyo iminka faah-faahin buuxda kama aysan bixin dagaalka laakiin wararka ayaa xaqiijinaya in weli dhinacyada dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobtii ay u dagaalameen.

Dagaalkaan ayaa dhacay shalay galab ilaa xalay fiidkiina si goos-goos ah usoo gaaray inkastoo dagaalka xoogiisa shalay galab ilaa xalay maqribkii uu dhacaye.

Comments are closed