Dagaal Qasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
Deefow 25.Aug 2013 (SDN) Dagaal Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac gesytay ayaa waxaa lagu soo waramayaan in maanta labo Maleeshiyo Beeleed uu ku dhexmaray Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Inta la ogyahay 5 Ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaa inkabadana ay dhaawacmeen kadib Dagaalo u dhaxeeya Beelo walaala ah oo ka dhacay Degaanka Deefow oo 40 Km dhinaca Waqooyi ugu began Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaal ku sugan Degaanka Deefoow ee Waqooyga Gobolka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka uu qarxay kadib markii Dadka walaalaha ah ay isku qabsadeen Dhul Beereed iyo Ceel Biyoodyo ku yaal degaanka Deefoow taasi oo keentay in Dagaal labada dhinac ah uu halkaasi ka qarxo.
Xaalada Degaanka Deefoowe ee Gobolka Hiiraan oo ay maanta ku Dagaalameen Labo Beel oo walaala ah ayaa iminka ah mid degan kadib markii Odayaasha dhaqanka ee Degaanka Deefoow ay kala dhex galeen Beelaha halkaasi ku Dagaalamay.
Guddoomiye ki xigeenka dhinaca amaanka ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muiqdisho ayaa ku baaqay in Dagaalada si deg deg ah loo joojiyo waxaana Degaankaasi ku baxay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baladweyne kuwaasi oo dhex dhexaadinaya Degaanka Deefow ee Waqooyga Gobolka uu Dagaalo ka soo cusboonaaday.
Sikastaba ha ahaatee dhawaan ayaa Degaan lagu magacaabo Jeerey ee Waqooyga Gobolka ku yaala waxaa Dagaalo ku dhexmareen Beelo Walaala ah oo halkaasi wada dega kaasi oo geystay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Deefow SDN.