Dagaal maalintii labaad ka socda Laascaanood
Feb 07, 2023 (QJ) – Dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo SSC ayaa maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkan uu ka xoog badan yahay kii shalay, iyadoo la soo sheegayo khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka socdaa deegaanka duleedka Iyo guddaha magaalada, halkaasi oo khasaaraha ugu badan uu shalay ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Somaliland ay ku biireen dhanka SSC, sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Laascaanood.lama oga lamana xaqiijin karo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Laascaanood, balse waxaa la soo sheegayaa in in ka badan 100 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ay shalay Iyo maantaba ku dhinteen dagaalka.