Dagaal ka dhacay Magaalada Goa ee waqooyiga dalka Mali
Goa Feb 11 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Mali iyo kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Islaamiyiinta laga Itaal roonaaday ayaa waxa ay ku dagaalameen wadooyin kuyaalla Magaalada Gaaw ee waqooyiga dalka Mali.
Dagaalka ayaa ka bilaawday meel u dhaw saldhig Booliis oo kuyaala Bartamaha Magaalada Gaaw waxaan uu markii danbe ku sii baahay qeybo badan oo ka tirsan Magaaladaasi waqooyiga Maali ku taalla.
Saraakiisha Amaanka ee Magaalada Gaaw ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalkaasi uusan ka soo gaarin wax qasaaro ah sida ay hadlka u dhigeen.
Koox lagu Magacaabo Mujao (Movement for Oneness and Jihad in West Africa) ayaa sheegtay in ay ka danbeysay weerarkaasi iyo qarax ismiidaamin ahaa oo isla Magaalada Gaaw ka dhacay sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Faransiiska iyo Kuwa Maali ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladan islamarkaana aya shaaciyeen in ay xaqiijiyeen Amaanka Magaaladan.
SDN-Goa