|

Dagaal beeleed markale ka qarxay Luuq

Luuq October 20, 2024(QJ)-Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan dagaal beeleed ka dhacay gobolka Gedo, kaasi oo sababay khasaare lixaad leh. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay degmada Luuq kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan toban qof oo labada dhinac ah ay ku nafwaayeen dagaalka, iyadoo ay jiraan dad kale oo qaba dhaawacyo halis ah oo loo kala qaaday isbitaalada Luuq iyo xarunta caafimaadka ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku yaala. Baaqyo nabadeed oo lagu doonayo in lagu hakiyo dagaalka ayaa soo baxay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Colaadan ayaa dib u soo cusboonaatay inkastoo dadaalo nabadeed oo hore loo sameeyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay taageero u fidiyeen dhinacyadii dagaalamay, taasoo muujineysa in isku dayo heshiisiin ah ay fashilmeen.

Dagaalka Luuq ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu magaalada Kismaayo ka furay shir la sheegay in lagu xalinayo colaada Luuq. Si kastaba ha ahaatee go’aannadii nabadeed ee ka soo baxay shirkaas ayaan weli wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo xaaladda degmada Luuq ay hadda degan tahay, haddana waxaa jira walaac laga qabo xaaladda guud.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la filayaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo xaaladooda, maadaama dhaawacooda uu aad u culus yahay. Caqabadaha ka jira Luuq ayaa weli u baahan xal nabadeed oo waara.

Comments are closed