Dagaal ay Isku Mireen Kooxda Daalibaan iyo Ciidamada amaanka ee Bakistaan oo ka Dhacay Madaarka Karachi
Karachi 09.June 2014 (SDN/QJ)- Garoonka diyaaradaha magaalada Karachi ee dalka Pakistan,ayay koox hubaysani weerar ku qaadeen islla markaana uu halkaa dagaal adagi ku dhex maray ciidanka dalka Pakistan.
Kooxda weerarka qaaday oo la sheegay in ay bambooyin ku hubaysnaayeen Iyagoo isku dayay in ay garoonka gudaha u galaan isla markaana ay qabsadaan laakiin,waxay dagaal kaa kulmeen ciidanka ammaanka ee garoonka iyagoo markii dambe awood roonaaday booliskii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi,loona dalbada ciidanka Mllatariga dalka Pakistan.
Ugu yaraan waxaa ku dhintay 28 qof oo ay ka mid yihiin 10 ka tirsan kooxdii weerarka qaaday waxaana ku dhaawacmay tobannaan kale oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo ciidammada kala duwan ee dalka Pakistan.
Weerarka ayaa ka bilowday Qeybta Cargowga ama Xamuulka Karachi international airport. Waxaana la sheegay Kooxda weerarka geysatay oo gaadhaya ilaa 10-nin in ay gudaha u galeen qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha kuna wada geeriyoodeen dagaal qadhaadh oo ciidanka Millatariga dalka Pakistan ku dhex maray garoonka .
Afhayeenka u hadlay Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta Pakistan oo magiciisa ku sheegay Shahidullah Shahid, ayaa sheegay in Msauuliyada weerarkaasi ay ka dambeeyeen kooxdoodu ,waxaanu tilmaamay in weerarkaasi uu ahaa fariin ay u dirayeen Dowlada Pakistan ay ku muujinayeen Taalibaan in ay wali nool yihiin oo halis yihiin.
Karachi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidisaporanews.com