|

Dadweynaha Reer Arabsiyo Oo Casuumaad Sharafeed Ku Martiqaaday Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Iyo Madaxda NEW UCID Daawo Sawirada

Hargysa Nov12/12  Hadhimo-sharafeed loogu muujinayey cuddudiisa taageero ee uu ka heysto UCID-da cusub Magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley ayaa maanta Beer-Bustaana loogu sameeyey.

Munaasibadan Qado-sharafeeda oo uu u fidiyey Xildhibaan , ayaa waxa ka soo qeybgalay Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen, Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), Xoghayaha arrimaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamed Saleebaan (Migiste), Xoghayaha kuxigeenka Xisbiga Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax),Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Faadumo Siciid, Qurba-joog Maxamed Cabdi Ruush, Ninka labaad ee Ugu dheer Adduunka, isla markaana ah ninka aduunka ugu faraha dhaadheer Xuseen Bisad, Axmed Maxamed Diiriye oo ka tirsan guddida fulinta ee Xisbiga,Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Gabiley Cabdirashiid Qalinle, Oday Yuusuf Camuud,qaar ka mida haweenka qurba-jooga, iyo haween-weynaha Magaalada Arabsiyo ee Xisbiga taageerada ugu weyn u haya.

Murrashaxa madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen oo kadib qado-sharafta lagu maamusay ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Murrashaxa Golaha Deegaanka ee Xildhibaan Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal oo isagu fidiyey qado-sharaftan iyo dadweynaha reer Arabsiyo ee taageerada miisaanka culus ku taageeray Xisbiga UCID.

“Waxaan ku faraxsanay inaan markii labaad Magaalada Arabsiyo Casuumad-qado sharafa uu noogu sameeyo Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal oo ah murrashax u tartamaya tartanka doorashada Golayaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta, iyada oo uu hore Casuumad tan oo kale ah uu noo sameeyey Yuusuf Camuud waa noo farxad iyo maamus-weyn”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Taageerada iyo cudduda miisaanka culus ee ay reer Arabsiyo u muujiyeen Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waa mid rajo iyo yididiilo na galisay, taasina waxay markhaati kaaga tahay sida ay dadku u doonayaan weji-cusub oo dhalinyaro ah iyo dhiig cusub inay doortaan oo ah Xisbiga UCID”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka codsaday dadweynaha reer Arabsiya inay codkooda ku taageeraan Xisbiga UCID si uu ugu soo gudbo Xisbiyada Qaranka“Waddankeena hadaad maanta eegtid halka uu marayo waxa weeyaan halkii uu marayay dhowr iyo toban sanadood ka hor, waxaana maanta la gaadhay wakhtigii halkaa uu taagan yahay hore looga sii marin lahaa oo weliba Somaliland iyo caalamka la isugu soo xidhi lahaa, taasna waxa qorshaheedi haya Xisbiga UCID.Sidaa daradeed dadweynaha reer Arabsiyo iyo nawaaxigeeda waxaan leeyahay UCID iyo Nuur-ka soo raaca oo codkiina siiya si aad himiladiina u gaadhaan,.Waxaan u mahad-celinayaa Walaalaha reer Arabsiyo ee dalka UK ee sida weyn noo taageeray….Madaxweynaha dalka Mareykanka ee Obama waxa soo saarey doorashadii dhaweyd oo doortey Haween, markaa waxaan leeyahay haweenka reer Somaliland waa inay taageeradooda ugu weyn siiyaan Xisbiga UCID”.

Faadumo Siciid oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay ka codsatey haween-weynaha reer Arabsiyo inay codkooda oo aan look ala hadhin siiyaan Xisbiga UCID “Xisbiga UCID waxa uu qiimo-weyn iyo xilal-ba u hayaa haweenka, waxa uu daryeeli doona hooyooyinka danyarta ee suuqyada Somaliland ka ganacsada oo aan helin wax daryeela”. Ayey tidhi Faadumo Siciid.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u mahad-celiyey dadweynaha reer Arabsiyo ee cuddudooda taageero u muujiyey inay u hayaan Xisbiga UCID “Casuumadan Qado-sharafta ahi waxay na galisay rajo-wanaagsan, iyo weliba taageerada aad noo heysaan, waxaan leeyahay halka ka sii wada doorashada aynu galayno waa inaynu soo saarna murrashaxiinta Golaha deegaanka si Xisbiguna u soo baxo”. Ayuu yidhi.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Qalinle, Maxamed-Biid, iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood soo bandhigay taageerada iyo cudduda uu ka heysto Xisbiga UCID Gobolka Gabiley iyo Magaalada Arabiyo oo ay ku tilmaameen inay tahay tii ugu baaxada weynayd oo ay ka filayaan inay ku soo baxaan kaalinta Kowaad, haddii kale kaalinta 2aad-ba.

Qurbojoog.com

Comments are closed