Dadweynaha Degmada Wardhiiglay ee Muqdisho oo ka Cabanaya Amaan daro ay Ciidamada Dawladu Sabab u Yihiin {DHAGAYSO}
Muqdisho 14.Aug 2013 (SDN) Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya amaan darro ay gaystaan ciidanka DF Somalia oo boolis iyo militeriba ka hawlgalaan magaalada.
Koox wariyaal ayaa tagay maanta degmada Wardhiiglay ee Muqdisho, waxana ay wareysi kala yeesheen dadka ku dhaqan halkaasi oo cabasho ka muujiyay tacadiyo ay sheegen in lagula kacay oo iskugu jiray dhac, jirdil, xabsi iyo dil mararka qaarkood.
Xiliyada habeenkii ayay shegeen inay mobilada ka furtaan dadka rag dareeska Booliska gashan oo handadaad la socoto, iyadoona baaq u diray masuuliyiinta Dowladda Muqdisho inay wax ka qabtaan arintaasi.
Ka sokow qaraxyada iyo dilalka waxa tani ay sii hurineysa dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho xili marar hore la shaaciyay in ciidanka DF ay kufsi iyo dhacba ka gaystaan magaalada.
Ma jirto ilaa iyo hadda masuul ka tirsan booliska DF oo ka hadlay eedaynta ay soo jeediyeen dadka degan Degmada Wardhiiglay.
Habacsanaan ayaa ka jirtay isku xilqaamida amaanka Muqdisho waayadan danbe, iyadoona lagu eedeeyay masuuliyiinta qaar inay gacan saar la leeyihin kooxda Al-shabaab.
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysto Cabashada Dadweynaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CABASHO14.mp3″]
Muqdisho SDN.