|

dadku waa dadkaagi dalku waa dalkaagi ( duurow dib u fadhiiso )

dhacdooyinkan ku cusub wadanka somaliland o runtii aad u layaab leh horena 20 kaas sano ee ay so jirtay aan looga arag ayaa igu kalifay inaan faalo ku bixiyo fikirkaygana ka soo dhiibto

runti waxaynu si aad u adag uga caban jirnay oo u dhaliili jirnay xukuumadi dahir riyale o aynu odhan jirnay wa xukuumad fadhiid ah o musuqmaasuq ragaadiyay

manta waxaan raali galin hawada u marinaya xukuumadi hore dahir riyale kahin ka masuul ka ahaa anigo ka raali galinaya dulmiga iyo hadalada del qaafka ku ahaa e hore lo odhan jiray

arintan xukuumadu kula kacayso shacabka e bahdilka ku ah sharaftoda iyo kharaamadooda wadaniyadoda e xadhiga leh e gacan saarka leh e bahdilka leh ma istaahilo shacabku

shacabku waa kii ku keenay kursiga aw manta ka taliyo silanyo wa ki ku fududeeyay inaad soo gasho madaxtooyada oo aanad horteeda mari jirin

wa shacabki kula soo kifaaxay e dhaqaalohooda iyo naftoodaba kuu huray marka manta tacadi iyo wax aan lo joogin o hortaa jire ba looga diiiday laga yeeli maayo

xadhiga boqorka buur madaw

xaq looguma laha in qof miisaan ku leh bulshada reer somaliland oo xasaasi ah waliba o horseedi kara in isku dhac bulsho aw sabab u noqdo in aw mudo intaas leeg ugu jiro xukuumada jeel bilaa maxkabad
salaadiintu waa dadkii halkan so gaadhsiiyay arinka iyo geedi socodka xukuumadeed e somaliland manta ku taamayso hadii aanay iyagu geed hoostiis ku soo gorfayn oonay ku soo dhamays tirin halkan manta aad joogto may joogteen somaliland

gacan saarki gudoomiyaha labad e xisbiga kulmiye mudane cabdirahman cabdilqadir farah

ugub weeye wali may ka dhicin somaliland arin sidaas oo kale ah dad aad u tiro badan ayaana ka hadlay arinta marka anigu ku sii dheeraan mayo ee waxaan ku soo koobaya uun shar daro inay ahayd xeerka xisbiga kulmiyena aw dhigayo in arin kasta oo ka yimaada xubnaha in gudi anshax marin la hor geeyo

xadhiga ay u xidhanyiin niman lagu soo eedeeyay in ay musuq maasuq sameeyeen ama ay xoolo dad wayne xadeen

sharciga dhigaya mudo 3 bilood ku dhawaad ah xabsiga ha ku jiro qof muwaadin ah bilaa maxkabad waa arin aad u fool xun oo meel ka dhac ku ah muwaadiniinta ku jirta xadhigas laba mid ayuunbay ahayd in danbigalagu cadeeeyo o la xukumo iyo in hadii aanay danbi lahayn xoriyadooda dib loogu celiyo lakin labadaa midna dhici mayso oo wa arin silsilad ah oo hadii la sii raaco dad yaw badan ayuu si saamaynaya marka in la afjaro ayaa la doonaya waxaaba maqaale ah in 18 may la cafin doona lakin dhibanayaashi inay qaatan ma aha ee wa inay ku qancaan maxkabad arinkana ay ka gun gaadhaan

arinkan cusub ee iguba kalifay inaan ka hadlo manta waa masuuliyiinta ururadii siyaasadeedka ee lagu kala reebay ka qayb galka doorashooyinka golaha degaanka ururadii hadhay inay muujiyaan sida ay uga xun yiin in lagu reebay cadaalad daro mudaharaad ma xuma hadii aanay rabshado iyo qalalaase toona samaynahayn ma haboona in laga mamnuuco oo lo hanjabao wakhti kasta marka
arinkan sidaa hadii aw u sii socdo waxa aw keeni doona isku dhac rabshadeed oo iska hor keena taageerasha ururada hadhay marka dawladu sidan ay xal ka moodayso xal kuĀ  ma jiro xadhig xal ma noqonayo hadii la isku dayo in shacabka lagu muquuniyo awood dawladeed ma dhacayso habeenki xalay ahaye tagay in ay sidaasi suurto gasho o waynu ognahay e horti jireba ugu taag wa xadhig iyo cabudhin

wasiirka arimaha gudaha

runtii hore ayuu u so fadhiya qaf qaf iyo caga juglayn iyo ciidan isku ceerin waxaas ma aha wax suuro gal ah siyaasadana aad ayuu ugu cusubyay haba ku cusbaade fikrad qaldan ayuu ka haysta

waxan ku so koobaya qoraalkan in ay dawladu xukuumadu ay xal waara ka dhaliso arimahan aaan ka so hadlay oo ay keento arin walaalayn kara bulshada wada dagta somaliland isku duubnidana mar walba ay adkeeyan dadkan masakiinta ah ee ay muquuninayan waxa haboon in ay ula dhaqmaan si wanaagsan
alla mahad leh

yahye askar

saudi arebia

Comments are closed