|

Dadkii ugu badanaa oo maanta lagu soo qabtay howlgalo Ciidamada dowlada ay ka sameeyeen Muqdisho

Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)— Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgalo kala duwan waxa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir. 

Howlgalka oo ahaa mid culus islamarkaana ay fulinayeen ciidamada Nabadsugida Milateriga iyo sidoo kale Booliiska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay gaarayso 1,714 oo intii uu socday howlgalka ciidamada Dowladda ay gacanta kusoo dhigeen. 

Markii uu howlgalka soo dhamaaday kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay taliyaha ciidamada nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg kaasi oo sheegay in xalay habeenimo ay bilaabeen howlgalka natiijo buuxdana ay ka gaareen. 

Wuxuu sheegay in xaafadaha kala duwan ee ay howlgalka ka sameeyeen ay kamid tahay Xaafada Nasteexo,Suuqa weyn,Buulo Xuubeey iyo guud ahaan Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir. 

Tirada dadka ay soo qabteen ciidanka ayaa markii lakala saaray kadib waxa ay ciidamada Nabadsugida Shabaab ku eedeeyeen dad gaaraya 114-qof kuwaasi oo ay xabsiga u taxaabeen. 

Waa maalintii labaad oo howlgalka caynkaan oo kale ah ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho ciidamada nabadsugida iyadoo shalay ay howlgal caynkaan oo kale ah laga sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo sidoo kale Hiliwaa laguna soo qab qabtay dad badan. 

SDN-Muqdisho

Comments are closed