|

“Dadkii markii ay qarannimadii waayeen ee waxa wax lagu cabbiraa qabiil noqday ayay qabyaaladdii iskaga noqdeen.” Boobe Yuusuf Ducaale.

Hargeysa:Oct,09,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si adag uga Hadlay sida magacii iyo Muunadii qaranimada somaliland uliin baxay ee uu u yeeshay waji qabiil iyo reernimo xilli la doonayey in dadka qarinamada laga dhaadhicyo.

boobeMujaahidka oo qoraal uu kaga hadlayo sida loo qiimo riday saraakiishii dhawaan lagu laayey Goobo kala duwan ee Dalka kamid ah lagu laayey iyo sida dhimashadoodu loogu  rogay reero iyo qabiil, ayaa tilmaamay in dadku gar u leeyihiin inay dhinaca reeraha ula kacaan, maadaama oo xukuumaddii dalka ka talinaysaya ay mar walba muhiimadda saarto qabyaallada oo ay qaranimada iska indha tirto.

Qoraalka uu mujaahidku ku faalleeyey dilka saraakiishaas iyo hannaanka qabiilaysan ee arrinkoodii looga hadlayo, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

”Waa ifafaale ugub ah oo aynaan hore u arag. Ilaa maanta laba dhacdo oo dhagareed ayaa ina soo maray. Midi waxay ka dhacday Bariga Dhexe iyo Qori-lugud, ta labaadna waxay ka dhacday Galbeedka Dhexe iyo Gebilay. Labada dhacdaba saraakiil taliyayaal ah ayaa lagu dilay. Midi ciidanka Qaranka ayay ahayd. Midina ciidanka bilayska ayay ahayd. Labaduba toogasho ayay ahaayeen. Mid laba sarkaal ayaa si badheedh ah loogu khaarajiyay. Laba sarkaal oo taliye iyo Abbaanduule isu ahaa sida aan maqlay. Jiidda hore ee dagaalka ayay ahayd. Goob dagaal ayay ahayd oo heegan lagu jiro, cadowna la hor fadhiyo. Dhacdada dhagareed ee labaad waxa lagu dilay Taliye saldhig Bilays. Laakiin innaga waxaas oo dhami macno inooma ay samayn.

Waxa macno inoo sameeyay saraakiil reer hebel ah ayaa la dilay, waxaana dilay niman Reer hebel. Waa intaa inta aynu ilaa maalintaa wad-wadnaa. Haddii ay qarannimo jirto Reer Hebelba looma baahdeen. Markii qarannimadii la waayay, ayuu dadku Reer hebeloowe noqdaa.

Haddii uu qofku qarannimo iyo dawladnimo midnaba ku qiimaysnaan waayo, wax la yaab leh ma aha in uu qolo, qoys iyo naanayso kaleba u noqdaa. Dadkii markii ay qarannimadii waayeen ee waxa wax lagu cabbiraa qabiil noqday ayay qabyaaladdii iskaga noqdeen. Saraakiisha sida foosha xun loo toogtay haddii qarannimo loogu doodayo, cidina qabiil uma iilateen. Bal u fiirsada Xukuumaddii oo odayaal qabiil la xaajonaysa, halkii ay ka odhan lahayd qaran ayay ka dhinteen, arrinta baadhaya, ciddii lagu helana abaal-marinaya. Halka la inooga soo dhacay waa Xukuumaddan muraayadaha qabiilka xidhan ee aan cabbir kale aqoonnin. Bal ergooyinkii Shirweynihii Kulmiye dib u milicsada iyo qaabkii loo soo xulay xisbigiina ku riiqmay oo ilaa maanta soo kaban kari la’yahay, sidaana ku qabsan kari waayay kal-fadhigii Golaha Dhexe eek u muddaysnaa Shirweynaha bil dabadeed, sida aan bowsaday.

Waa dhacdooyin fool-xun oo qaran-dumis ah. Waa in ay xukuumaddu gacan-ku-dhiiglayaashii soo qabataa oo garsoorka la hor geeya. Haddii ay sheekadu mag iyo wax ka liita noqoto waa sidii loo yidhi oo :”Timir laf baa ku jirta.”” Boobe Yuusuf Ducaale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed