Dadka Soomaaliya oo si aan carqalad lahayn ugu safraya wadamada IGAD
Muqdisho. 5 December, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka socdaalka ah la agadhay wadamada IGAD marka laga reebo dalka Uganda, iyadoo heshiiska lagu tilmaamay mid wax tar u leh shacabka Soomaaliya.
Heshiiska ayaa ku aadan isu socodka xorta ah ee dadka ee wadamada IGAD iyo shacabka Soomaaliya xili ay dadka Soomaaliya xanibaado badan iyo carqalado kala kulmaan marka ay u safrayaan wadamada IGAD sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Sudan, iyo Uganda.
Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, oo heshisikan shaaciyay waxa uu sheegay in Uganda aanay saxeexin balse muu sheegin tafaasiil kale oo ku aadna sababta ay Uganda u saxeexi wayday heshiiskan.
Heshiiska ayaa lagu saxeexay gudaha waddanka Koonfurta Sudan.