Dadka reer Koofur Kuuriya oo haweynay Madaxweyne u doortay Marii ugu horeysay
Seoul Dec 20 2012 (SDN)– Haweyneydii ugu horeysay Taariikha ayaa ku guuleytay in ay noqto Madaxweynaha dalka Koofur Kuuriya kaddib doorashooyin kadhacay dalkaasi.
Park Geun-hye ayaa loo doortay in ay noqoto Madaxweynaha Rasmiga ah ee dalka Kuuriyada Koofureed waxaana looga fadhiyaa in ay wax ka qabto dhibaatooyin dhaqaalo xumi ee ka jira dalkaasi.
Haweynedan la doortay ayaa ah gabadha Kalitaliyihii hore ee Chung-hee kaasi oo muddo dheer dalkaasi ka soo talinayay.
Inkastoo wali ay socoto tirinta codadkii la dhiibatay hadan Mr Moon oo gabadhan la tirtamayay ayaa waxa uu qiray in laga guuleystay waxaana Magaalooyinka waa weyn ee dalka Kuuriyada Koofureed ka so conaya dabaal dagyo lagu soo dhaweynayo isbadalkaasi dhacay.
Ms Park, 60-sano jir ah ayaa badali doonta Ninka ay isku xisbiga yihiin ee hada talada haya ee Lee Myung-bak kaasi oo muddo 5-sano ah talada soo hayay.
Howlaha ugu culus ee horyaalla haweynaydan la doortay ayaa waxa ka mid ah sidii ay wax uga qaban laheyd dhaqalaha hooseeya ee dalkaasi iyo xal u helida colaada kala dhaxeeysa dalka ay dariska yihiin ee Kuuriyada Waqooyi.
SDN-Seoul