|

“Dadka lasoo celinayo waxa weeyaan dadka dalka Ingiriiska joogay sannado badan oo waayey basaboorkii dalkaas” Wasiirka Dibu Dejinta

Hargaysa 23.March 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland,ayaa shegtay inay dhaqaale u weydiinaso  dalka Ingiriiska dad reer Somaliland ah oo iskood uga soo noqonaya dalkaas kuna soo laabanaya dalkooda

wasiirka dibu dejinta ee danbeWasiirka Wasaaradda dibu-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin  Casood oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada hargaysa ka Hor intii aanu u Kicitimin dalka Ingiriiska, ayaa waxa uu sheegay in muwaadiniita reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka ingiriiska qaarkood in lagu soo celin doono dalka Somaliland isla markaana dalabka soo noqoshadu uu xagooda ka yimi laakiin aanu ahayn mid  lagu qasbay ama ay Somaliland fikir ahaan keentay.

Waxaa kaloo uu Wasiirku intaa ku daray in dadka la soo celinayaa ay yihiin dadka aan helin sharciga dalka Ingiriiska  eek u sugan dalkaas oo iyagu xidhiidh la soo sameeyay Somaliland kana dalbaday in dalkooda dib loogu soo celiyo.

 

“Horta wax lasoo celinayo  oo aan utagaynaa majiro,anagu casuumad ayaanu ka helnay Wadanka Igiriiska casuumadaasna waxa lagaga wada hadlayaa dadka iskood u soo noqonaya ee ka kaaftoomay dalka ingiriiska waxaanan u samaynaynaa dadkaas inuu dalka igiriisku wax taro  oo aanu magaalada kusoo daynin ee uu u sameeyo shaqooyin.”

Wasiirka dibu dajinta somaliland Axmed Cabdi Kaahin Casood oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”anagu cidna masoo celinayno siyaasada dawladuna sidaas maaha,ee dadka lasoo celinayo waxa weeyaan dadka dalka Ingiriiska joogay sannado badan oo waayey basaboorkii dalkaas haday waliba ogal yihiin weeyaan.”

Waxaanu Wasiirkku hadalkiisa ku soo gunaanaday “Dadkaas iyaga ayaa nala soo hadla waxaanay yidhahaan nagu soo celiya dalkayaga ee anagu cidna ma-qasbayno dalka Ingiriiskana hadii ilaahay yidhaaho waxaanu u waydiinaynaa waxaay ku shaqaystaan dadkaas  inuu soo siiyo laakiin anagu waxaanu soo saxeexaynaa iyo dad aanu xoog kusoo celinaynaa majiraan  dhaqanka xukuumadana kuma jirto”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed