|

“Dadka guud ahaan ku dhintay dagaaladan waxay gaarayaan ku dhawaad 200 oo qof, waxaana ku jira 9 qof oo Somali ah” Soomaali lagu dilay Yemen

Sanca 27.Dec 2013 (SDN)- Inta la ogyahay 9 ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhinntay 43 kalena way ku dhaawacmeen dagaalo ka socda Magaalo yar oo lagu magacaabo Damaad oo ku taala Waqooyiga dalka Yemen.

68Dagaaladan oo u dhexeeya Kooxo Islaamiyiin ah oo Shiico iyo Sunni ah ayaa waxay deegaankaas ka socdaan Sadex Bilood iyadoo Soomaalida dhintay ay ku jirto Gabar Soomaaliyeed oo ardayad ahayd.

Kooxaha uu dagaalku u dhexeeyo ayaa waxaa soo dhexglaay muran dhinaca diinta ah, iyadoo kooxaha Xuutiyiinta oo Shiico ah la sheegay inay diideen in magaaladaas ay galaan Hay’adaha Caafimaadka ka shaqeeya si dhaawaca loo daweeyo.

Goobjooge ku sugan Magaaladaas oo u waramay VOA ayaa sheegay inay ku jiraan go’doon tan iyo markii uu dagaalku bilowday, isagoo sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku dhintay dagaalka ay ahaayeen arday wax ka baranayay halkaas.

“Magaalada lagu dagaalamayo waa mid aad u yar, waxaana dagaalkan uu u dhexeeya Kooxo diimeedyo Islaam ah, waxaana dagaalkan uu u muuqdaa mid ay dabada ka riixayaan dalal reer galbeed ah” ayuu yiri Goobjoogaha ku sugan Damaad oo lagu magacaabo Maxamed Bukhaari.

Sidoo kale Goobjoogaha ayaa sheegay in Somalida dhaawaca ah ay rag iyo dumar isugu jiraan ayna dhibaatooyin fara badan qabaan, isagoo xusay in dagaaladan ay yihiin kuwo maalinba maalinta xigta sii xoogeysanaya.

“Dadka guud ahaan ku dhintay dagaaladan waxay gaarayaan ku dhawaad 200 oo qof, waxaana ku jira 9 qof oo Somali ah, mid ka mid ah ay tahay Gabar, halka 8 qof ee kalena ay yihiin rag dhalinyaro ah” ayuu Bukhaari hadalkiisa ku daray.

Mar uu sii hadlay ayuu sheegay in 43 qof oo Somali ah ay iyaguna dhaawac qabaan, kuwaasoo aan haysan wax daryeen caafimaad ah, kadib markii loo diiday Ha’yadaha Samafalka inay galaan magaaladaas.

“Kooxaha Xuutiyiinta ee Shiicada ah ayaa magaalada isku gadaamay markii uu dagaalku bilowday waxay diideen in hay’adaha samafalka ay galaan si ay u daweeyaan dadka dhaawacyada qaba, runtiina xaalad xun ayay ku jiraan dadka dhaawacyada qaba oo qaarkood lixaadkooda waayay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Magaalada uu dagaalku ka dhacay oo ku taala Waqooyiga Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay ku nool yihiin 300 oo qoys oo Somali ah kuwaasoo qaarkood kasoo guuray Qurbaha, dhibaatooyin badan ayaana halkaas ku haysta.

Dowlada Yemen ayaa u muuqata mid faraha ka laabtay dagaalad halkaas ka socda iyadoo shacabku ay ku eedeynayaan in xukuumadu ay ku guuleysan weyday inay kooxaha go’doonka geliyay magaalada ay ku qancsiyo inay dib u furaan magaalada.

Sanca SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed