|

“Dadka dunida oo dhami way ka wada naxeen dilka Weriye Folay,mana jirto Diin bannaynaysa in sidaa wax loo dilo.” Madaxweyne Obaama

Washington 22.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Maraykanka Obama, ayaa sheegay inay argagax tahay, isla markaana dunida oo dhami ka wada naxday dilka Weriye Maraykanka u dhashay oo ay Kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaallanta Ciraaq iyo Suuriya ee Daacish ama ISIS Salaasadii ku Gawraceen Ciraaq, kaasoo lagu magacaabi jiray James Foley.

CaptureWaxa uu Madaxweyne Obama oo  ka hadlay dilkaas sheegay inaanay jirin Diin aqbalaysa ficil noocan oo kale ah, isagoo xusay inay tani dadka caalamka ku nool Diinkasta oo ay haystaan ay taabatay oo ay ka wada naceen.

Obama, waxa uu intaas ku daray in waddankiisu uu sii wadayo wax kasta oo lagu difaacayo dadka Maraykanka ah. Mar sii horeysay Faransiiska, ayaa sheegay in shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah, Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale dalalka Gobalkaas oo ay ku jirto Iran loo baahan yahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhan ka ah Khilaafada Islaamiga ah.

“Dadka dunida oo dhami way ka wada naxeen dilka Weriye Folay ee foosha-xun ee Kooxda ISIS ku gawracday, waa argagax, waana ficil xun, mana jirto Diin bannaynaysa in sidaa wax loo dilo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo si xamaasad leh uga hadlay dilka Weriye Folay.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii uu u xaqiijin lahaa dhab ahaanshaha muuqaal fidiyow  oo muujinayay dilka wariye sawir qaade ah oo u dhashay Mareykanka oo ay kudha ka jarayaan mintidiinta dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ee ISIS.

Kooxdan ayaa sii daayay muuqaalkan Fidiyow Talaadadii shalay, kaasoo ay ku muujinayeen qof ay ku sheegeen Weriye James Foley oo Madaxa laga gooynayo, iyagoo sheegay in dilkiisu ay fartiin u tahay Mareykanka, oo ay ugu digayaan inuu joojiyo farogelinta uu ku hayo Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Aqalkca Cad, ayaa isaguna sheegay in hadii muuqaalkaasi uu dhab yahay ay aad uga xunyihiin dilka waxashnimada ah ee loo geystay Weriyehaasi Mareykanka ah ee aan waxba galabsan. Wariyahan ayaa la waayay isagoo ka soo waramayay colaadda Syria bishii November sanadkii 2012kii.

Mintidiinta ISIS, ayaa sidoo kale ku sheegtay Fidiyowga inay hayaan Weriye kale oo u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Steven Sotloff  oo isna lagu waayay Syria bishii July ee sannadkii 2013-kii, waxaanay ku hanjabeen in Weriyahaas labaadna noloshiisu ay ku xidhann tahay tallaabada xigta ee uu qaado Madaxweyne Obama.

Hooyada iyo Aabbaha dhalay Weriye Folay oo Maraykanka ku nool, ayaa iyagoo ooyaya si qiiro badan leh uga hadlay dilka Wiilkooda oo ay Warbaahinta u sheegeen inay si weyn uga naxeen markii ay arkeen Muuqaalka Wiilkooda oo mid ka mid ah Kooxda Daacish oo Wejiga duubani sheegayo inuu gawracayo.

Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed