|

Dadka deegaanka Halleeya oo si adag u diiday damac Muuse Biixi iyo wasiiradiisu wateen

Hargeysa. 11 October, 2022. (QJ)- Dadka deegaanka Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa ayaa si adag ugasoo hor jeedsaday damaca xukuumadda Somaliland ee ah in dhulka deegaanka dawladdu la wareegto iyadoo la sheegay in Aag Warshadeed laga dhigayo.

Dadka deegaanka oo uu suldaan u yahay suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Daauud Suldaan Maxamed, waxay sheegeen in aanay ogolayn arinkaas.

Muuse Biixi iyo wasiiro uu ugu horeeya Cabdilaahi Abokor ayaa raba in dhulkaas laga qaado Dadka isla markaana loo isticmaalo sifo aan la garanahayn balse ay iyagu ku sheegeen aag warshadeed.

Dhanka kale, dadka deegaanku waxay aaminsanyihiin in Beesha Habar Awal ay deegaanka dhul ka raadinayso gaar ahaan Ciise Muuse oo dhanka waqooyi kala jaar ah deegaanka waxaana wada masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Dadka deegaanka Halleeya waxay y sheegeen madaxweyne Biixi in deegaankiisa galbeedka Hargeysa uu ka jaro dhulkaas, iyagoo weedho hanjabaad ah diray.

Weli ma jiro war kale oo kasoo baxay dhanka xukuumadda Muuse Biixi, kadib diidamada dadka deegaanka Halleeya.

Comments are closed