Dad u dhintay cudurka Ebola oo 5000 kor u dhaafay iyo dalalka Woqooyiga Africa oo weli la tacaalaya
Freetown Nov 13,2014(SDN/QJ)-Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimadka ee WHO ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ayaa kor u dhaafay 5000 oo ruux.
Hay’adu waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo cudurku weli ku fidayo dalalka Woqooyiga Africa hadan ay hoos u yara dhacday faafida cudurka.
Maalinimadii shalay ayaa la sheegay in dalka Mali uu Ebola ku dilay sadex ruux, waxaase cudurku haatan ku soo ururay dalal ay Liberia ka midtahay.
Cudurka Ebola ayaa wuxuu soo ritay tiro dad ah oo inta la ogyahay ay tiradoodu tahay 14,000 oo 5,160 ka mid ahi ay cudurka ilaa iyo haatan u dhinteen.
Dawlada Mareykanka ayaa dhawaan ciidamo ay u dirtay dalalka Woqooyiga Africa waxa ay gacan weyn ka geysteen maareynta dadka cudurka u dhinta oo faafidiisa sabab u ah.
Waxaase ilaa iyo haatan QM gacan laga siin dhaqaale ay caalamka ka dalbatay, waxaana weli jira culeys dhanka socdaalka ah oo ay dhakhaatiirtu la kulanto.
SDN/QJ-Freetown