Dad Tiro Badan Oo Ka Cadhooday Ay Mayd Ah Oo Xalay Lagoo Digay Goobta Qashin Qubka Xaafadda Half-London Oo Maanta Isku Soo Baxay
Hargaysa 21.Aug 2013 (SDN)- Dad faro badan oo ka cadhaysan Ay mayd ah oo xalay lagu soo tuuray goobta qashin qubka ee xaafadda Half-London ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta iskugu soo baxay goobtan.
Sida ay sheegeen dadkani, Ay-gan oo la sumeeyay ayuu meesha uu keeney maydkiisa gaadhi nooca yar yar ee loo yaqaab Granda-ha oo ay wateen labo nin.
Dadkan dagan xaafadda Half-London ee Hargeysa ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay xaaladda saxo ee xaafada, waxayna sheegeen in shirkadaha khashinka gurta ay xaafadaas qashin qubkeeda ay ka qaadi wayday qashinka halkaas ku keydsamay.
Shacibkan cadhaysnaa waxay sheegey in ay xaafadda ka taagan tahay saxo xumo, shirka Sabawanaag ee qashinka xaafadda ka qaadaana ay iska indho tirtay inay qashin goobta qashin gurka ay ka sufeeyaan qashinka ku kaydsamay.
Waxay dadkan la jaarka ah qashin qubku sheegeen inay qashinka goobta yaala laga keeno xaafado masaafado fog fog ku yaala, oo markasta la arko gadiid ah nooca gaarka loo leeyahay oo qashin la iska fogaynayo sida oo meesha ku tuuraya qashin.
“waxaa goobta lakeena xashiishka afarta koone ee magaalada iyadoo lagu keenayo basas iyo xaajiyado goobta laga qaaday sidaa argtaan Ay sumaysan oo bakhtiyaa lagusoo tuurayaa, qalab qarxaya ayaa lakeenaya waxa laga gurayaa majirto sia buurta u tuula. Bacteria kadhalanaysaa oo waxaa usoo joognay rag guryaa udaw kudhintay ooaanu u’aanayno xashiishka becteria kadhalatyay”, ayay tidhi Caasha Jamac Ismaaciil (Caasha Dawaarlay) oo kamid ah dadweynihii xaafada ee maanta iskugu soo baxay goobta.
Sidoo masuul ka tirsan socday Wasaaradda Caafimaadka, waaxdeeda hantidhawrka ayaa isna sheegey in siday ay wax yihiin aan loo dul qaadan karin, loogana fadhiyo shirkadda Sabawanaag in ay si dag dag ah uga hawl gasho oo ay goobtan ka nadiifiso qashinkan tuulan.
Hargaysa SDN.