|

Dad Somaaliyeed oo Ku Naf waayay Shil baabuur oo ka dhacay dalka Liibiya iyo Safiirka Dawlada Somalia oo ka hadlay

Liibiya 02.October 2013 (SDN)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya Cabdiqani Maxamed Waceys oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay korartay  tirada dadkii ku dhintay shil gaari oo ay ku tahriibiyeen Soomaaliya iyo ajaaniib kale, kuwaasi oo shilka ku galay saxara u dhexeeya dalalka  Liibiya iyo Suudaan.

Safiirka ayaa sidoo kale uu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo shilkaasi ku dhintay ay u badnaayeen dhalinyarro kuwaas oo qaarkood hadda lagu hayo Meydadkooda Cusbitaalada ku yaal dalkaasi Liibiya, halka ku dhaawaca ahna halkaasi lagu dabiibayo.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay in carruur aad u da’yar ay hayeen kuwaas oo waalidkooda la aaminsanyahay in ay ku geeriyoodeen dagaaladii dalka ka dhacay, isaga oo sheegay in gabar 6 sano jir ah ay kamid tahay carruurtaasi ay iminka hayaan.

Safiira ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay in dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka baaqsadaan tahriibka kaas oo ah mid dhibaato badan ka soo gaarta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa sii kordhaayay dhalinyarada Soomaaliyeed oo u tariibayay dalalka qaaradda Yurub, kuwaas oo sii mara, marino dhibaatooyin badan ka soo gaara, sida dhimasho iyo dhaawac, iyaga ay u dheer tahay safarka badda oo doomo tayadooda aad u liidato ku galaya safarka badda u dhexaysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Liibiya SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed