|

Dad lagu eedeynayo burcad badeednimo oo lagu maxkamadeynayo Jasiirada Mauritius

 Mauritius Jan 25 2013 (SDN)- Maxkamad ku taala JaziiardaMauritiusayaa maanta bilaawday dhageysiga dacwad ka dhan ah 12 ruux oo lagu eedeeynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Burcad badeeda Soomaalia.

Wasiirka arimaha dibada dowladda Mauritius Arvin Boolell ayaa sheegay in Burcad badeeda la maxkamadeynayo ay ciidamada badda Mareykanka soo qabteen 5,kii Bishan Janaury kadibna iyaga gacanta loo galiyay.

“Waxaan ku rajo weynahay in ragan la eedeeyay lagu helo dambiga loo heyso sababtoo ah xeer ilaaliyaha maxkamada dacwadan qaadeysa ayaa inoo xaqiijiyay in haatan cadeymo badan la hayo “sidaas ayaa lagasoo xigaty Wasiirka arimaha dibadaMauritius.

Sidookale Arvin waxa uu sheegay in hoos u dhac weyn uu ku yimid weeraradii ay kooxda Burcad baddeeda Soomaalia ku afduuban jireen Maraakiibta mara biyaha Soomaalia ama goobaha ka baxsan kadib markii dalalka caalamka ay isku kaashadeen la dagaalankooda.

Siwalba oo ay noqotaba dowladda jaziiradaMauritiusayaa qeyb ka ah wadamada ogolaaday inay maxkamadeeyaan dadka ku eedeeysan inay kamid yihiin kooxda Burcad badeeda soomaalia.

Comments are closed