Dad la sheegay in ay ka danbeeyeen Bom lagu tuuray Ciidamo boolis ah oo lagu soo bandhigay Muqdisho
Muqdisho Feb 04 2013 (SDN)— Saraakiisha dhanka ammaanka ee Degmada Xamarweyne ayaa maanta soo bandhigay labo ruux iyo gaari nooca caasiga loo yaqaan oo ay sheegeen in laga soo dhextuuray bam gacmeed ciidamo ka tirsan Dowladda lagu weeraray.
Taliyaha ciidamada Degmada Xamarweyne Maxamed Daahir oo maanta warbaahinta kula hadlay degmadaasi ayaa wuxuu sheegay in labada ruux ay kala yihiin wadihii gaariga iyo ninkii lahaa,isaga oo sheegay in habeen hore gaariga dhexdiisa ciidamada Dowladda bam gacmeed looga soo dhextuuray.
Wuxuu sheegay in iminka kiiska baaritaankiisa ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed balse labada ruux ay qirteen in bamka gaariga laga dhextuuray.
Taliyaha ayaa tilmaamay in sidoo kale maanta ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Xamarweyne ay gacanta kusoo dhigeen kooxo burcad ah kuwaasi oo dadka tooreey ku dhici jiray.
Wuxuu digniin udiray kooxaha kale ee dhaca ka geesta Degmada ama ku howlan inay shacabka dhibaateeyaan isaga oo tilmaamay inay wanaagsan tahay in arintaasi ay ka waantoobaan.
Habeenkii sabtiga uu soo galaye ee todobaadkaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa nawaaxiga bacaadlaha ee Degmada Xamarweyne bam gacmeed lagu weeraray.
SDN-Muqdisho