|

Dad ka badan 20 Qof oo ku eedaysan falal dil ah oo lagu xidhay Kismaayo

Kismaayo 27.Sep 2013 (SDN)- Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in howlgal uu maanta ka sameeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose uu ku soo qabtay 20 qof oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen dilal dhowaan ka dhacay magaaladaas.

KismaayoII-300x225Maxamed Qaalib oo ka mid ah saraakiisha ciidanka ee maamulka Jubba ayaa sheegay in dadka ay xireen ay su’aalo waydiinayaan, wuxuuna caddeeyay inay sii deyn doonaan ciddii ay dambi ku waayaan.

Wuxuu tilmaamay in magaalada bandow lagu soo rogay, kaasoo billaabanaya 7-da fiidnimo ilaa 6-da aroornimo, si loo xaqiijiyo dadaallada lagu xoojinayo ammaanka. Bandowga oo xalay billowday waxaa la xaqiijiyay inuu socon doono inta laga xaqiijiyo ammaanka Kismaayo.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa saddex qof lagu dilay magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed