|

Dad Hubaysan oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo Hawlgalo ay Wadaan Ciidamada amaanku

Muqdisho 29.Sep 2013 (SDN)- Siddeed qof oo saddex ka mid ah la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab ayaa lagu qabqabtay howlgallo ay ciidamada dowladda xalay ilaa saaka ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Howlgal-ciidanka-dowladdaII-300x225Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa sheegay in saddexda qof ee looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaabay ku jirto haweeney dhowaan ka timid magaalada Kismaayo, oo la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha weerar ay kooxda Al-Shabaab doonayso in ay ka geysato gudaha Muqdisho.

Dadka la xiray ayaa waxaa la sheegay in ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan degmada Shibis oo guryahooda lagu soo qabqabtay hub sharci darro ah, iyadoo hubka la soo qabtay la sheegay in ay ka mid yihiin rasaasta hoobiyeyaasha iyo miinooyin laga soo saaray guryo ku yaalla degmada Howl-wadaag.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyayaasha degmooyinka howlgallada laga sameeyay, balse waxay tani qayb ka tahay howlgallo baaritaanno ah oo toddobaadyadaan ka socday Muqdisho.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa dhowaanahan soo wanaagsanaaneysay, iyadoo ciidanka dowladda ay isku fidayaan habeenkii waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed