Dad badan oo ku geeriyooday 2-qarax oo ka dhacday Koofur Galbeed dalkaPakistan
QuettaJan 2013 (SDN)— Ugu yaraan 81-qof ayaa ku geeriyootay 120-kana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday Magaalada Quetta ee Koofur Galbeed dalkaPakistansida ay sheegeen Ciidanka booliska dalkaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amaanka dalka Pakistaan oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in qarax koowaad uu qasaarihiisa yaraa hase ahaatee qarixii danbe uu qasaaro xoogleh geystay.
Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxa ku badan dadka Shiicada ah ee ku dhaqan WadankaPakistaniyadoona kooxda xagjirka ah ee lagu magacaabo Lashkar-e-Jhangvi ay sheegatay in qaraxaasi ay fuliso.
Afhayeen u hadlay kooxda kale ee United Baloch Army aya isna sheegay in iyagu ay qaadeen weerarkaasi dadka badan ay ku dhinteen sida uu hadlka u dhigay.
Intabadan qaraxyada iyo weerarada ka dhaca dalkaPakistanayaa waxa fuliya kooxaha gacanta siiya Daalibaata dalkaasi taasi oo siwen uga soo horjeeda XukuumaddaIslamabadoo taageero weyn ka heshay Maraykanka.
SDN-Quetta