Dad badan ku geeriyooday Qarax ka dhacay caasimada dalka Syria
Dimishiq Jan 04 2013 (SDN)- Ugu yaraan 9-qof ayaa ku geeriyootay gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay oo ku qarxay xarun shidaal oo ku taalla Magaalada Dimishiq ee Caasimada dalka Syria.
Qaraxa ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay degmada Barzah Al-Balad oo ka tirsan Caasimada Syria halkaasi oo ay dad badan saf dheer ugu jireen in ay helaan Shidaal.
Kooxaha la socda arrimaha dalka Syria ayaa waxa ay sheegeenin in laga yaabo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi in uu kordho waxaana ay tilmaameen in dadka dhawacmay ay ku jiraan dad aad xaaladooda looga dayrinayo.
Qaraxan ka dhacay Caasimada dalka Syria ayaa imaanaya maalin kaddib markii daraasiin dad ah ay ku dhiteen weerar dhanka circa ah oo ka dhacay saldhig ku yaalla koofurta Magaalada.
Sikastaba Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay qeybta xuquuqul insaanka u qaabilsan ayaa lagu sheegay in dadka ku dhinta dhibaatooyinka ka soconaya dalkaasi ay ka badanyihiin 60-kun oo ruux oo ah in kabadan tiradii ay mucaaradku Odorasayeen.
SDN-Dimishiq