Dacwaddii Boqor Buurmadaw oo saaka ka furantay Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Hargeysa, 24, April 2012 (SDN)- Boqor Cismaan Aw-maxamuud (Buurmadaw) oo dhawaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay ayaa saaka la keenay Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa, iyadoo la sheegay in dacwada ay Xukuumaddu u haysataa ay si rasmi ah u furantay.
Xeer ilaalinta ayaa ku soo oogtay Boqor Buurmadaw inuu aflagaadooyin cad-cad kula kacay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay u cuskadeen hadallo ka dhan Madaxweynaha oo hore warbaahinta qaarkeed u faafisay.
Sida wararku sheegayaan xeer ilaalinta ayaan ku soo oogin Boqor Buurmadaw dhaliilo badan oo uu Xukuumadda u jeedin jiray waqtiyadii ay xilka la wareegtay, isla markaana waxa la filayaa in maalmaha soo socda la dhegaysto dacwada oo sii socon doonta.
SDN, Hargeisa