Dacwad u Dhexaysa Ethiopia Iyo Shirkad Shidaal-baadhiseed Oo Dhawaan Geneva Ka Bilaabmaysa Iyo Nuxurka Doodda Labada Dhinac
Geneva:Mar,08,2015(SDN/QJ)-Dacwad u dhaxaysa Wasaaradda Macdanta Ethiopia iyo Shirkadda Petro oo fadhigoodu yahay Hong Kong, waxana lagu wadaa inay dacwaddaasi bilaabanto bishan 15-keeda.
Xukuumada Itoobiya ayaa qabsatay garyaaqaan ku takhasusay dacwooyinka caalamiga ah oo lagu magaacabo Zewdine Haile, halka shirkada Petro ay matalayaan garyaaqano ka socda shirkada caalami ah dhanka sharciga ah oo lagu magaacabo Lalive.
Muranka labada dhan ayaa salka ku haya go’aan Itoobiya ku joojisay heshiis ay shirkada iyo wasaarada macadantu kala saxeexdeen 2011.
Itoobiya ayaa shirkada siisay qandaraasyo lagu horumariyo gaaska dabiiciga ah ee Ismaamulka Soomaalida iyo in shirkadu samayso sahamin dheeraad ah oo lagu baadhayo 8 goobood oo ah dhulka joogiisu hooseyo ee Ogaden basin.
Shirkada Petro ayaa rumaysan in qandaraaska looga joojiyey si aan xeerka waafaqsanayn taas oo dhalisay in labada dhan ay isku dacweeyaan maxkamad caalami ah oo xalisa khilaafadka noocan ah.
Waxaa xusid mudan, in Itoobiya dhawaan ku dhawaaqday in la dhisayo dhuun dheer oo isku xidha DDSI iyo dekada Jabuuti si loo dhoofiyo shidaalka gobolka. Warbixinta Itoobiya ayaan qeexin goorta mashruuca la bilaabayo iyo shirkada hawshaas hirgalinaysa magaceeda.
SDN/QJ