|

Dabaal Degyo ku Wajahan Guusha Madaxweynaha Cusub ee Iran Rooxaani oo Lulay Xarunta Iraan

Tahran 16.June (SDN) Kumanaan qof oo Iiraaniyiin ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Tehraan caasimada dalka Iran iyaga oo u dabaaldegaya Guusha Doorashada madaxweynaha Cusub ee dalkaasi Xasan Rooxaasni.

Dadweynaha  Isugu soo baxay dabaaldega  Guusha madaxweynaha  Cusub Xasan Rooxaani ayaawaxa ay ku dhawaaqayeen weedho ay ku muujinayaan sida ay  u taageersan yihiin, waxaana  badi suuqyada  magaalada Tehraan  buuxiyey dadka u dabaal dfegaya Guusha  Xasan Rooxaan.

Mr,Xasan Rooxaani ayaa waxa uu ku guulaystay  in ka badan boqolkiiba konton Codadkii la bixiyey doorashada, iyada oo  sida doorashada ay dadweynuhu ugu soobaxeen  lagu qiyaasay  in 72%  ay dadku ugu soo baxeen doorashada  Jimcihii ka qabsoontay dalkaas.

Dhinaca kalena Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Ban Ke Mon, ayaa  u hanbalyeeyey madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan  Xasan Rooxaani,isaga oo sheegay in uu rajaynayo in door wanaagsan uu ka qaadan doono arimaha Gobiolka  iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxweynaha Cusub ee  dalka Iiraan  Xasabn Rooxaani oo ku dhawaaqidii Guushiisa ka dib hadlay ayaa waxa uu  hanbalyeeyey  Guushooda, waxaana  Beesha caalamka ugu baaqay inay garwaaqsadaan xaqa  Iiraan u leedahay  barnaamijka nikuleerka , waxaanuu balan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii qadiyada barnaamijkaasi nikuleerka   xal looga gaadhi lahaa.

Tahran SDN.

Qurbjoog.com

Comments are closed