|

DAAWO:Wasiir Nuur Faarax oo muujiyay sababta uu Soomaaliya u tegay iyo Digniin uu u diray madaxweyne Axmed Siilaanyo

Muqdisho April 20,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Dekeddaha ee dalka Soomaaliya Md Nuur Faarax oo Hore Guddoomiye uga ahaa Urur Siyaasadeedkii Somaliland ee Gurmad ayaa markii u horeysay ka hadlay qadiyada dekedda Berbera oo hadal heynteedu badneyd.

Wasiir Nuur Faarax oo ka mida shaqsiyaad Somaliland ka soo jeeda oo u digo rogtay Soomaaliya ayaa hadalkiisan noqonayaa kii u horeeyay ee uu uga hadlo arrimaha Somaliland.

Md Nuur Faarax ayaa ka mida siyaasiyiinta reer Somaliland ee carada siyasadeed ee ay u qabaan xukuumada Somaliland ay Somaliaya geysay, hadalkana uu noqonayaa mid caradaa salka ku haya.

Comments are closed