DAAWO:Sifooyinka qoyska iyo Saamaynta Edbinta Ubadka- Mushkiladaha guurka -5
Ottawa April 25,2014(SDN/QJ)-Waa barmaamijkii 5-naad oo ka mid ah barmaamijyadii taxanaha ahaa ee aan ku eegayay guurka iyo mashakilaadkiisa isla markaana aan ku soo bandhigaynay xuluul aan u aragno in ay xal keeni karaan.
“Aqalku waa halka ay caruurtu ku barbaaraan, waana meesha ay edbintoodu ay ka bilaabmato. Cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay waxa ay sheegayaan in xidhiidh toosi uu ka dhaxeeyo edebta caruurta (wanaaag iyo xumaanba) iyo qoyska ay ku dhexbarbaarayaan, sidaa daradeed waa muhiim in uu waalidku ogaado sifooyinka qoysaska kala duwan iyo saamaynta ay sifooyinkaasi ku leeyihiin barbaarinta ubadka.
Celmi baadhisyadan waxa kale oo ka soo baxay in noocyada tarbiyada ee caruurta lagu soo uruurin karo sedex nooc. Hadaba anigoo ka faa’idaysanaya natiijooyinka ka soo baxay daraasooyinkan ayaan barmaamijkan ku soo bandhigi dooonaa sifooyinka sadexdan qoys iyo sida ay sifooyinkaasi u saameeyaan edbinta ubadka. Hoos ka daawo barmaamijkan….