DAAWO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo dagaaladii Saaxdheer
Ankara Aug 30,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad dheer oo ka hadleysa xaaladda uu xilgan ku suganyahay dalka marxaldihii uu soo maray isbedelka kajira iyo hiigsiga qorshaha sanadka 2016 ka jeediyay machadka istiraatijiyadda ee dalka Turkiga iyadoo ay su’aalo kala duwan weydiiyeen Prof.ro siyaasiyiin, wariyaal, iyo aqoonyahano kuwaasoo dhamaantood ku qotomay xaaladda wadanka.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiay dagaalkii ka dhacay dhawaan deegaanka Saaxdheer aya sheegay in dowlada Soomaaliya mowqifkeedu uu cadyahay mar walba islamarkaana eysan aaminsaneyn iyo awood mileteri xal ku imaanayo in nagu filan ayaan soo aragnay buu yiri kala qob qobnaan iyo colaad dheeri ah.