DAAWO:Madaxweynaha Mareykanka oo Dareenkiisa Ka Bixiyay Sida Madowga Mareykanku u Arkaan Go’aan Maxkamadeed
Washington July 20,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Xusen Obama ayaa si lama filaan ah uga hadlay Goaan ay maxkamad ku taal Florida ku sii deysay nin toogasho ku dilay wiil Madow ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Maadow ee dalka Mareykanku soo mareen taariikh murugo leh isla markaana ay haatan jiraan weli waxyaabo u baahan wax ka qabasho.
“Hadii aan inan lahaan lahaa waxa uu u ekaan lahaa Trayvon Martin(marxuumka)”ayuu Obama hore u yiri mar uu ka hadlayay dilka loo geystay wiil 17 jir ahaa oo uu toogtay nin ka mid ahaa ilaalo madani ah.
Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay aqalka cad ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga bedelo shuruucda qaadashada hubka ee Florida si aaney tan oo kale u dhicin.
“Aniga ayay igu dhici laheyd sida hada ku dhacday Travon Martin”ayuu yiri madaxweynuhu.
Goaan ay xeerbeegti ku sii deysay ninka Toogtay Travon Martin ayaa si weyn uga careysiiyay dadka Madawga ah ee Mareykanka.
Sidoo kalena waxa haatan doodi ka taagan tahay shuruucda maxkamadaha Mareykanka iyo sida ay u saameeyaan madowga.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com