DAAWO:Fuaad Aadan Cade La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Gobolada Bariga oo Hargeysa ku soo guryo noqday kana hadlay xaalada Saaxdheer
Hargeeysa Aug 30,2014(SDN/QJ)- La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee gobolada Bariga Fuad Aadan Cade ayaa ka waramay xantii aheyd in uu u janjeersaday dhanka Puntland iyo dagaaladii dhawaanta ka dhacay degaanka Saaxdheer.
Md Fuad Aadan Cade ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay dhawaaqa beesha caalamka ee ku wejahan colaada degaanka Saaxdheer oo ku taal xadka Somaliland iyo Itoobiya.