|

Jaamac Shabeel oo Buriyay Doodii Mudanayaasha Muxaafidka ee Wakiilada kana Dalbaday Gudoomiyaha Golaha Guurtidu inuu Xeerka Codbixiyaha Golihiisa Hor dhigo DAAWO

shabel

Hargeisa 20/11/2014(SDN/QJ)Guddmiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye  Jaamac Shabeel Ayaa Maanta Ka Hadlay  Xiliga Ay Doorshada Dalku Dhacayso Isagoo Gudoomiyuhu Sheegay  In Sanadkan Aanu Shaki Kaga Jirin In Ay Helayaan Shanta Sano Ee Soo Socota Isago Intaa Raaciyey Inaanu  Meesha Ku Arkayn Xisbi Ay Uga Baqo Qabaan Inuu Ka Guulaysto.

Gudoomiye Jaamac Shabeel ayaa Cadeeyay in Xeerka Muranka Dhaliyay ee Codbixiyeyaasha oo Gudoomiye C.raxmaan Cirro Sheegay inuu ku maqan yahay dhanka Guurtida,Xildhibaanada Muxaafidkuna ku doodayaan in Golahooda dib loogu soo Celiyay uu Weli hor yaalo Golaha Guurtida waxaanu ka dalbaday Gudoomiyaha aqalka Guurtida Mudane Saleeban Maxamud Aadan inuu Golihiisa u qaybiyo Xeerkaas awoodooda distoorina ay ka Gutaan si uu hadalku u yaraado.

Hargeisa SDN/QJ

 

Concat@Somaldiasporanews.com

 

Comments are closed