|

Daawo: Suxufi Siciid Khadar C/laahi Oo Sheegay Inuu U Sharaxanyahay Dorashada Golaha Wakilada Somaliland Ee Sanadka Soo Socda

siciid khadar

Harbeisa 25/oc/2014(SDN/QJ)Suxufi Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka mid ah dhalinyarada Reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay doorashada Golaha wakiilada ee qabsoomi doonta sanadka soo socda ee 2015ka ,kaasi oo sheegay inuu doorbidayo inay dhalinyarada Reer Somaliland ka dhexmuuqdaan golaha wakiilada taasina mihiimid u keenaysa waxqabad muuqda oo laga dareemi doono.

Suxufi Siciid Khadar Cabdillaahi oo muod badan Ka mid ah Masuuliyiinta Warbaahinta Gudaha ee Ka hawlgasha magaalada Hargaysa ayaa waxa uu noqonayaa Suxufigii ugu Labaad ee Hankiisa musharaxnimo shaaca ka qaada isagoo bulshada Reer Somaliland ka codsaday inay qofka ay dooranayaa ku doortaan hab ka duwan kuwii hore oo ay eegaan waxqabadkiisa iyo aqoontiisa kuna dheehantahay waayo aragimadiisa iyo kartidiisa.

Comments are closed