Daawo: Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL oo si Adag uga hadlay Muranka Waqooyiga iyo Salaadiin u xidhan Dhacdadii Hadeyta
Hargeysa – Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay hareero Fadhiyeen qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sacad Muuse (Subeer Awal), ayaa si Adag uga hadlay Xadhigga Suldaan Mowliid Cali Sabbeyse iyo Suldaan Ibraahim Sulub oo Xukuumaddu u xidhay shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Hadeyta ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa Xilli ay ka socotay Diwaangelinta Cod-bixiyayaashu.