Daawo Sawiro…Xaflad balaadhan oo Xisbiga Waddani Bristol ku soo Dhaweeyey Tagerayaal ka tirsanaa Xisbiga Ucid iyo Kulmiye oo si mugleh ugu soo biray Wadani Hashiis Hordhacana la Galay Tvga Universal tabinta Baramijada Xisbiga Wadani
London 15Sep14(SDN/QJ) Xisbiga Wadani ;aantiisa Biristo UK ay ku soo dhaweysay taageerayaashii ugu badanaa ee Xisbiga Kulmiye iyo Ucid ka soo jeeda gobolada Hawd, Awdal, Maroodi jeex iyo Salal oo si mug iyo miisaan leh ugu soo biiray Xisbiga Waddani Bristol, Uk. Goobta xaflada ayaa ahayd goob bilicsan, waxaana ka qeyb galay aqoonyahano, waayeel, dumar,fanaaniin iyo madaxda Xisbiga Waddani ee Bristol iyo Uk.
Waxa jawiga xaflada si qurux badan u daadihinayay Mahad Abdullahi bare, Waxaana Aayado Quraan ah furitaanka xaflada ka dib hadalo soo dhaweyn ah iyo mahad naqba ah goobta ka jeediyey odayga xisbiga Waddani laantiisa Bristol Hasan Harruun iyo guddoomiyaha xisbiga waddani Bristol, Mustafe Ahmed cige, waxayna bogaadiyeen tageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga waddani Bristol iyaga oo sheegay in xisbiga u yahay xisbigoodii ayna gacamo furan iyo qalbi niyadsan ku soo dhaweyenayaan. Sidoo kale, waxa ka hadlay madasha Abdi Diiriye, gudoomiyhii hore Xaqsoor ee Bristol oo hogaaminayay Tageerayaasha cusub ee ku soo biiray ee Xisbiga wadani ee gobolada Hawad, Awdal iyo Salal oo sheegay in ay maanta laga bilaabo ay hiil iyo hooba ay garab is taagi doonan Xisbiga Wadani halganka ugu jiro in dalkan iyo bulshada Somaliland loo badbaadin lahaa. Waxa goobta ka hadlay Mahmed Saleeban weyne, Wasiirkii hore ee warshadaha , iyo guddoomiyaha xisbiga Wadani ee UK Xuseen Aden Cade, oo ku dheeraday waxqabadka Xisbiga waddani iyo sida loogu baahan yahay in muruq iyo maskaxba la is garab taago xisbiga waddani si dalkeena horumar loo gaadhsiin lahaa, waxayna carabka ku dhufteen sida Xisbiga Kulmiye iyo Xukumada Silaanyo ay ugu fashilantay wixii ay bulshada Somaliland u balanqaadeen.Waxa isla goobta ka hadlay Eng. Ilyaas Muhmed Jama ( Kenyati) oo ka mid ahaa dhalinayradii aadka u fir-fircoonaa ee Xisbiga UCID aadna ugala shaqeeyey hawlaha xisbiga ee Gudo iyo dibadba waxa uuna Eng Ilyaas Muhmed Jama ( Kenyati) madasha kusoo bandhigay in uu u sharaxan yahay jagada Barlamaanka ee Sanadka soo socda gobolka maroodijeex aadna waa loogu sacabiyey,waxaa uuna ka sharaxan yahay xisbiga Waddani. Guddoomiye xigeenka Waddani Uk kenadiid abdikarin Jama iyaga oo labadooduba ku dhawaaqeen in ay yihiin musharixiinta Xisbiga Wadani doorashada Golaha Wakiilada 2015 Inshaa allah. Caasha Xuseen Maraykan oo ah asaasayaasha Xisbiga ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga ah,Cabdale Saleebaan Cabdale. Waxa kale oo hadalo qiimo badan kasoo jeediyey dad fara badan oo ah madaxda iyo tageerayaasha Xisbiga Waddani gudo iyo dibadba.Ugu danbeyntii, Waxa Xaflada soo afmeeray oo hadalo gubaabo ah ka jeediyey Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Wadani Mahmuud Raage, Waxaana u warbixin guud ka bixiyey Xaalada u dalka u ku sugan oo u dhawaan ka soo laabtay iyo xisbiga wadani intba, waxaana u bulshada Somaliland uga digay diwaangelinta madaniga ah ee xukumada silaanyo ku carqaladaynayso doorashooyinka la filayo in ay sanadka danbe ay ka qabsooman dalka.gabagadii ilo xogagaal oo goobta ku sugnaa uga waramay qurbejoog heshiis dhexmaray Tvga Universal iyo Xisbiga wadani ee laantiisa Uk sidii ay uga hawl gali lahayeen sii daynta Baraamijyad dorashada ee xisbiga wadani iyo wacyi galinta taas oo guul u noqonaysa xisbiga wadani