Daawo Sawiro (Xafladii caleemasaarka Suldaanka Guud ee Qurbajoogta Somaliland (Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Aw- Guleed) ka dhacay London
London 06Jan13(SDN) Waxa magaaladda London lagu caleemo Saaray Suldaanka Guud ee Qurba-Jooga Somaliland: Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Aw Guleed oo ah shakhsiyad aad looga yaqaano dalkan Ingiriiska.
Xafladda oo aad u balaadhnayd waxa soo buux dhaafiyey shacab weynaha reer Somaliland oo ka kala yimid Daafaha Dalkan Ingiriiska iyo dibadaba. Xafladda Suldaanka lagu caleemo saarayey ayey ka hadleen marti-sharaf aad u kala duwan oo kasoo jeeda shacabweynaha Somaliland iyo xisbiyadda qaranka Somaliland ka jira.
Kulanka oo dhamaan dadkii ka hadlay ay aad ugu hanbalyeenSuldaanka. Iyagoo dadkii kasoo qaybgalay xafladda ay maragfureen in uu wax weyn ka tari doono Suldaankan Cusubi Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Guleed. Waxa kale oo ay cadeeyeen dhamaan marti sharafkii ka hadlay in Suldaan Xaaji Axmed uu bulshada reer Somaliland intii uu dalkan deganaaba uu wax weyn ka qabtay dhinacyada walaaleynta iyo horumarka ee guud ahaan Somailada qurbahaha, isagoo ay bulshadu qirtey in uu wax weyn ka bedeli karo isu soo dhaweynta iyo horumarka qurbajoogta Somaliland.
Suldaan Xaaji Axmed Diiriye Guleed oo ugu danbeyntii erayo kooban kasoo jeediyey xafladdi caleemo saarka ayaa aad ugu mahadcelyey dhamaan dadkii kasoo qaybgalay kana akhriyey duco aad u dheer uu ilaahay waydiiyey inuu iftiinka iyo aakhiroba inagu sugo jidka toosan.
Waxa uuna Suldaanku cadeeyey in suldanadani tahay mid ku salaysan Qurba-jooga Somaliland oo aaney haba yaraatee shaqo ku lahayn saldanad beeleed, reer, qabiil ama gobol midna. Isagoo tilmaamay inaan marna lagu qaldin saldanadaha batay ee qaba’ilka Somalida ay tiisu ku eg tahay qurba waynaha iyo danahooda keliya.