|

Daawo Sawiro…Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo London soo gaadhay aadna loogu soo dhaweeyey.

London 15May14(SDN) Waxa abaaro 6 subaxnimo ee maanta oo ahayd Arbaca 14.5.2014 kasoo degan daroonka diyaaradaha ee Caalamigaa Heathrow International Airport kasoo degan Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Waftiga oo u yimid sidii ay shacabka reer Somaliland ee dalkan Ingiriiska degan ula qaadan lahaayeen debaal-dega maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taaga. Waftiga oo ay ku weheliyeen,Duqa magaaladda Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur,madax ka tirsan xisbiga Kulmiye,Xildhibaano golaha degaanka ee Hargaysa iyo madax kale oo ka tirsan madaxtooyadda Somaliland.

Waftiga oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen madax sar-sare oo uu hor kacaayey safiirka Somaliland ee Dalkan Ingiriiska Cali Aadan Cawaale iyo dadweyne kale oo ka qayb qaatay soo dhaweynta.

Fadlan Daawo Sawirada.

IMG_0127unnamed

Comments are closed