Daawo Sawirada Qaraxii Maanta Lala Beegsaday Fuliyeen Barxada Hore Xarunt Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Muqdisho 07-11-2012 (SDN)– Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya ayaa waxa gilgilay qarax weyn oo loo addeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana qaraxasi ka dhashay khasaare laxaadle.
Qaraxan oo ka dhacay goob ay ku shirayeen xubnaha baarlamaanka Somaliya ayaa mid dhawaaqiisa laga maqlayey meelo badan oo ka mid ah Magaaladda Muqdisho, waxaana Qaraxaasi inta la ogyahay ku dhintay labada askari oo ka mid ahaa ilaalada gaar ah ee baarlamaanka Somaliya.
Qaraxan, ayaa sidoo kale waxa uu baa’biiyey ilaa afar gaadhi oo ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka Somaliya, kuwaasi oo yaalay barxada hore ee hoolka shirku uga socday Mudanayaasha.
Wariye ku sugan Magaladda Muqdisho ayaa sheegay in qaraxani ku soo beegmay markii xildhibaanadu ka soo baxayeen goobta shirka “Markii kulankii Baarlamanku soo dhamaaday ayaa xildhibaanadu ka soo baxeen gudaha xarunta golaha shacabka waxaana goobtaas ka dhacay qarax aad u weyn oo ka dhashay gaadhi ku dhex jiray gaadiidka xildhibaanada”ayuu yidhi Wariyuhu.
Sida Wariyhu sheegay gaadhigan qarxay ayaa hore loo sii dhex dhigay gaadiidka mudanayaasha ee yaalay barxada xarunta baarlamaanka.
www.somalideasporanews.com Hargeisa